Muqdisho oo ay ku soo kordhayaan iibinta iyo isticmaalka walxaha maanka dooriya

Reading Time: < 1 minute

Magalaada Muqdisho ayaa ka mid noqotay magaalooyinka waaweyn ee Afrika ee sida aadka looga isticmaalo laguna iibiyo maandooriyayaasha. Waxaa magaaladda ku soo badanaya guryaha lag beero maandooriyaayaasha kala duwan.

Howlgal Ciidamada Booliiska ay ka sameeyeen Degmada Xamarjajab ee Gobolka Banaadir ayay kusoo kusoo qabtay Walxaha maanta dooriya iyo Dadkii iibinayay sida ay sheegeen mas’uuliyiin katirsan Hay’adaha Amniga & Maamulka Degmada.

Taliyaha Saldhigga Booliiska Degmada Xamarjajab ayaa sheegay in howlgalkaan uu kasii soconayo Xaafadaha Degmadaas si gacan-adag loogu qabto dadka ka ganacsada iyo kuwa iibsada Walxaha maanka-Dooriya.

Waxa uu Taliyuhu sheegay in ciidamada ammaanka dagaal adag ku wajahayaan walxaha maanka-dooriya oo qayb ka ah falalka amni darro oo cabasho la xiriirta dhaca Dadka Rayidka dhowr jeer soo gaartay.

“Innaga oo fulineyna Amar kasoo baxay Madaxda Dalka waxa aan ku dhaqaaqnay howlgal aan kula dagaalameyno Walxaha maanka-Dooriya, howlgalkaan waxa uu qayb ka yahay howlgallo ballaaran oo ka socda 17ka Degmo ee Gobolka Banaadir” ayuu yiri Taliyaha Booliiska Xamarjajab.

Haweeney uu soo bandhigay Booliiska ayaa qiratay in ay ka ganacsaneysay Walxaha maanka-dooriya, waxa ay sheegtay in ay iska dhaafi doonto ka ganacsiga walxahaan oo duruufo dhanka nolosha ah u gashay sida ay hadalka u dhigtay.

Guddoomiyaha Degmada Xamarjajab Mucaawiye Muudey ayaa dhankiisa sheegay in howlgalladaan ay kasii soconayaan xaafadaha Degmadaan si nabadgalyadeeda gacan adag loogu qabto.