Muqdisho oo Amni Xumo darteed Habeenkii wax dhaqdhaqaaq ah uusan ka Jirin iyo Cabsi Taagan!!

Reading Time: < 1 minute

Sida ay ogaatay Muqdisho Online waxaa Xaafadaha kala duwan ee degmooyinka Gobolka Banaadir ka taagan Amni Xumo aad u baaxad weeyn,taasi oo ayna dadku ku dhiiran Karin in ay Socdaan xiliyada habeenkii ah.

Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa Xiliyada Habeenkii ah waxaa aad u yaraaday isku Socodka Gaadiidka iyo Dadweeynaha,waxaana taas lagu sababeeyay Amni xumada dalka ka jirta oo hada mareeysa heerkii ugu weeynaa ama ugu sareeysayba.

Muqdisho Online oo u kuur-gashay Xaqiijinta arintaani ayaa waxaa ay ogaatay in Taliyayaasha degmooyinka ee Booliska xitaa in aysan shaqeeyn Habeenkii iyagoo Ka baqdin qaba in la weeraro.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya  ayaa ka doodayo Amniga qaranka,waxaana ay soo bandhigeen qataro amni oo dalka ka jira,waxaasa aysan wali xusan Arintaani