Muqdisho Online oo idiinsoo Gudbineeysa Qodobada Sii Hurinaya Khilaafka Mooshinka!!!

Reading Time: < 1 minute

Muqdisho online oo aalaaba idiinsoo gudbiso warar iyo xogo dhab ayaa waxaa ay maanta idiinsoo gudbineeysaa Waxyaabaha soo Hurinaayo Khilaafka xoogan ee ka dhex jira Xildhibaanadda Baarlamaanka qaarkood iyo Gudoomiye Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari.

Maalinba maalinta ka dambeysa waxaa sii xoogeysanaya khilaafka xooggan u dhaxeeya golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaliya iyo sidoo kale xukuumadda Federaalka ah.

Hadaba khilaafkan ayaa waxaa sii xoojinaya Afar qodob, iyadoo illaa iyo haatan aanay muuqan waddo kaliya oo lagu qaboojin karo.

Waxyaabaha hurinaya khilaafka:

  • Xalka oo si dhab ah loo wajahayn
  • Madaxdii sare oo Labada dhinac kala taageeray
  • Xildhibaannada qaar oo kumanaan doolar farqaha ku shubtay
  • Beesha Caalamka oo kasoo jeedsatay xalka khilaafkan

Hadaba lama oga sidey wax ku dambeyn doonaan, balse dadka falanqeeya siyaasadda ayaa sheegaya in mooshinkaan iyo khilaafkaan aanu xal lahayn, illa lagu kala baxo mooyee.

gudoomiye Maxamed Shiikh  Cusmaan jawaari waxaa weerar aan gambasho laheeyn kusoo qaaday Kooxda Qiyaano qaran kuwaasi oo dano gaar ah ka leh Qaska iyo Deganaabshiyo La’aanta Dalka