Muqdisho Kormeer Habeen wax ka Badan ayey u Baahan tahay.

Reading Time: 2 minutes

Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Banaadir, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo dhowaan xilka si rasmi ah ula wareegay ayaa xalay qaaday tallaabadiisii ugu horreysay ee uu kaga hadlayo waxyaabaha maanka dooriya

Madaale ayaa hoggaamiyey howlgal ka dhacay isgoyska Fagax, kaas oo lagu burburiyey goobo lagu iibinayey Calaq iyo Xashiish, sida ay sheegeen laamaha ammaanka.

Muqdisho waxay magan u tahay hogaamin xumo magaalada haysatay ilaa 20kii sano ee u dambeysay, waayo dadka madaxda u noqonayey midkoodna ma ahayn hogaamiye fahmi kara sida ay u shaqeyso magaalo casri ah. Shacabka waa qabteen wixii iyaga looga baahnaa oo canshur waa bxiyeen magaaladana waa dhiseen laakiin waxaa maqan wixii looga baahnaa maamulka dowladaha hoose oo u baahan aragti ka fog kormeer iyo idaacaha laga haldo.

Duqa Muqdisho oo Wariyeyaasha kula hadlay Fagax ayaa shaaca ka qaaday in maamulkiisa uu la dagaalami doono dadka iibiya maan dooriyaha iyo kooxaha ciyaal weerada.

“Ma aqbaleyno magaaladaan in ay noqoto magaalo fasahaad ciyaal weero iyo maan dooriye go’aan adag baa inooga yaalla, caawana waxaa nasiib ah inaan burburinay goobihii Calaqa iyo Xashiishka lagu iibinaayey” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir.

Sidoo kale wuxuu farriin culus u diray shacabka ku dhaqan degmooyinka gobolka Banaadir, isaga oo ka codsaday inay la shaqeeyaan maamulkiisa iyo ciidanka Booliska Soomaaliya.

Howlgalkan ka dhacay waqooyiga magaalada Muqdisho ayaa waxa uu qeyb ka yahay howlgallada ay wadaan ciidamada Booliska ee lagu sugayo amniga caasimada.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida dilal qorsheysan iyo dhac baahsan oo ay geysanayaan kooxo burcad ah.

Magaalo sida Muqdisho oo kale ah waxaa looga bahan yahay? Adeegyada aasaasiga ah sida amaanka,  fayadhowr ( bulaacada iyo qashinka), biyaha, korontad, waddooyinka, maktabadda dadweynaha, dugsiyada, kormeerka cuntada, waaxda dab-damiska, booliiska, ambalaasta, iyo arrimo badan sida Caafimaadka Iyo gaadiidka. Haddaba maamulka cusub ma ku baraarugsan yahay arrimahan qorshasa ma ka leeyahay?  Ma ogi ee Adiga Ma ogtahay?