Muqdisho iyo gobolada Dalka oo maalintii labaad si isku mid ah looga wada ciidayo.

Reading Time: < 1 minute

Muqdisho iyo gobolada dalka ayaa siweyn looga Ciidayaa maalinta labaad ee ciidul fidriga , waxaana dadka ay isugu hambalyeeynayaan farxada maalamaha  Ciidu Fitriga, marka laga reebo deegaanada ay maamulaan Al-shabaab oo maalin ka hor  laga Ciiday.

Waddooyinka waaweyn ee Muqdisho iyo gobolada dalka  ayaa lagu arkayaa boqolaal dad shacab ah oo isugu jira Caruur, dhalinyaro, Haween iyo Odayaal, kuwaasi oo maalintii labaad u dabadal degaya munaasabada  Ciida.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa hambalyo u diray dhammaan Shacabka Soomaaliyeed, waxaana ay ugu baaqeen in la adkeeyo Ammaanka Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay booqday Xeebta Liido iyo Beerta Nabadda ee magaalada Muqdisho halkaas oo uu farxadda iyo damashaadka Ciidda kula qaatay kumannaan dadweyne ah oo tamashle tagay.

Dadweynihii uu la