MUQDISHO: Gaari Loga Shakisan Yahay Qarax oo Isgooys Saxmad Badan Yaalo & Gaadid Kale oo Qaraxyo Sida oo Laga Cabsi Qabo

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imanaya Magaalada Muqdisho aya shegaya in Gaari loga shaki san yahayin uu sido walxaha qarxa lagu qabtay Isgoyska Baar Ubax ee Magaalada Muqdisho.
Gaari la shakin san yahay ayaa lagu qabtay isgoyska Baar ubax ka dib markii loogaga shakiyay in sido walxaha qarxa.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada amaanka gacanta ay ku dhigeen xilli darawalka gaariga uu doonayay inuu xoog ku jiiro isgoyska oo saxmad badan ay ka jirtay.

Waxaana hadda ku socda baaritaan ku aadan sidii loo ogaan lahaa waxyaabaha uu sido iyo inuu yahay gaariga la doon doonayay.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay waxana haatan Xarumihii ay faarujiyeen Ciidanka Xasilinta ,waxaana cabsi ay ka jirtaa Gaadiid Qaraxyo ah oo la shaaciyay iney Muqdisho ku jiraan.