Muqadishu: Qiimaha lagu kala iibsado hubka culus oo maanta sare u kacay

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imaanaya suuqyada qarsoon ee lagu kala iibsado hubka ee  Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta uu cirka isku shareeray qiimaha lagu kaal iibsado hubka gaar haan hubka culus. Suuqyada  hubka loogu kala iibsado, ayaa waxaa si weyn looga iibsanayaa qoriga PKM ama loo yaqaano daba-jeexyadda, dhuumaha suuga, dhashiikaha, shilkaha iyo noocyada kale ee hubka.

Wixii ka dambeeyay shalay, ayaa si xowli leh hubka loogu kala iibsanaayaa suuqyada aan Sharciga ahayn ee hubka lagu kala iibsado ee Magaalada Muqdisho, iyadoo ay is hubeynayaan beelo iyo qaar ka mida siyaasiyiinta ka tiran dowladda.

Isbedelka ku yimid qiimaha hubka ee suuqyada madow, ayaa waxaa lala xiriirinay xaalada siyaasadeed ee ka sii darayse ee uu dalku galay. Waxaa ka jira magaalada Muqadishu cabsi in MW Farmaajo qorshaynayo in uu weeraro siyaasiyiin iyo shaqsiyaad ku nool magaalada Muqadishu. Dhanka kale dadka qaar ayaa qabo in hadii aan xal waara loo helin siyaasadda cakiran ee dalka ka jiro ay keeni doonto in magaalada Muqadisho  kal go’do iyada oo kooxo kala duwan qabsanayaan.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!