Riwaayadda Axmad Qoor Qoor! Yaa La qaba.

Reading Time: 2minutes

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa si aan gabasho la’haynin waxa uu taageero buuxda la garab taagan yahay MW Farmaajo iyo Fahad Yasin. Waxa uu ka soo horjeestay danaha iyo qadiyada shacabka reer Galmudug.

Waxaa dad badan la yaaban yihiin go’aanka beesha Habargedir ee la xiriirta xaalada khatarta ah ee uu dalku ku jiro xiligaan kala guurka ah. Beesha ayaa si dadban u taageersan go’aanada khalafsan ee uu Qoor Qoor ku taageerayo Farmaajo.

Siyaasiinyiinta iyo ganacsadatada lagu yaqiinay naceeybka iyo ka aragti duwaanshaha Farmaajo, ayaa hada waxa ay isku badaleen in ay siiyana Farmaajo taageero dadban. Marka ay idaacadaha ka hadlayaan waxa ay sheegayaan in ay ka soo horjeedaan Farmaajo, laakiin waxa ay si buuxda u taagersan yihiin dhamaan go’aamada uu qaatay Madaxweyne Qoor Qoor.

Markii Qoor Qooor dhisay golahiisa Wasiiradda waxaa ka soo dhex muuqday xildhibaano ku jiray baarlamaanka Dowlada Fedaraalka oo ay ku jiraan Xildhibaan Saabir iyo Xdhibaan Axmad Macalin Fiqi. Labadaan Xildhibaan iyo qaar kale oo ka tirsanaa dowlada Farmaajo ayaa ku biiray dowlada Galmudug iyaga oo balan qaaday in ay dhisi doonaan Galmudug cusub oo ka madax banaan Farmaajo iyo Fahad.

Dhanka kale Qoor Qoor waxa lataliyayaal u ah xildhibano iyo senatoro ka soo jeeda beesha Habargedir oo ay ku jiraan Xildihiabaan Mahad Salaad, Senator Cabdi Qaybdiid, Sanator Dhageey iyo qaar kale. Qoor Qoor ayaaba degan guri uu leeyahay Senator Dhageey.

Dhamaan dadka aan kor ku soo sheegnay iyo qaar kale ayaa dhamaantood waxa habeenkii iska xaadiriyaan guryaha xunta madaxada Midowga Musharaxiinta iyaga oo sheegayana in ay ka soo horjeedana go’aanada uu gaato Axmad Qoor Qoor. Waxaa muuqta in beesha Habargedir ay ruwaayad iskudhigayaan iyaga dhexdooda muacaradka kale ay dareen been ah ay tusayaan.

“Adeer, adiga wali ma tagtay guriga Qoor Qoor ka degan yahay Xamar ee ku dhaw Garoonka Aadan Cadde, qof Habrgedir ah oo ka maqan gurigaas ma jirto habeen iyo maalina waxa isugu taga madaxda beesha Habargdir, Qoor Qoor-na talaabo aan raali Habargedir ka ahayn ma qaadi karo.. Waxaan kuu sheegaa Habargdir raali ayaa ay ku tahay shaqada Qoor Qoor la wado Farmaajo hadii kale mark hore ayaa laga taqalusi lahaa… Soomaali iyo kuwa mucaaradka isku sheegayo ayaa ruwaarad loo dhigayaa”. Sidaas waxaa jiri mid kamida odoyaasha dhaqanka beesha Reer Xaaji Saleemaan.

Intaas waxa uu ku daray “ Habargedir waxa ay isku haysataa Ra’iisal Wasaare iyo Madaxweynaha Galmudug, hadii doorasho la’aadana waxaa macquul ah in aan labadaba lumino, sidaada darteed Qoor Qoor waxa uu dhigayaa ruwaayad ay beesha Habargedir raali isaga tahay“.

Su’aasha isweydiinyta u baahan ayaa ah, Waa maxay sababata Xidhibaanada Habargdir oo ay ku jiraan kuwa sheegta mucaradka ay talaabo uga qaadi la’ yihiin Qoor Qoor hadii ay daacad ka tahay dagaalka ka dhanka ah Farmaajo iyo Fahad Yaasin.

Mid kamida Ganacsatada ku dhaqan magaalada Muqadisho ee ka soo jeedo beesha Cery ayaa dhankisa sheegay in Qoor Qoor iyo Rooble ay meel xun uga tagi doonaa Beesha Habargedir hadii ay ka haraan da’daalka Soomaali ugu jirta ka hortaga siyaasada qariban ee Farmaajo.