Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre hadana ah musharax Madaxweyne ayaa Muqdisho uga qeyb galay gogosha tacsida Alla ha u naxariistee Jeneraal Maxamed Nuur Galaal. Kheyre Wuxuu si afgobaadsi leh u yiri “Marxuum Maxamed Nuur Galaal wuxuu ahaa astaan qaran oo dalka iyo dadka Soomaaliyeed u shaqeeyay cimrigiisa inta ugu badan.
Waxay aheyd in qaranku fidiyo gogoshaan, sababtoo ah qofka dhintay waxuu ahaa qof qaran, muhiimadda iyo ahmiyadda ugu weynna waxay tahay in ay dowladdu u abaal guddo, oo ay muujiso sida ay uga xanuunsaneyso dadka u soo dhintay ee astaanta u ah qarannimada Soomaaliyeed,” Bal dadow ninkaas dhagahiisa afkiisa ma maqlaan.
Waxuu intaas ku daray, “General Galaal wuxuu kamid ahaa saraakiishii ugu aqoonta, tababarka iyo darajo sareysay ee hogaamin jirtay ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed, ee lagu tilmaami jiray libaaxyadii Afrika. Wuxuuna sanadihii ugu danbeeyay ee noloshiisa ahaa odey waayo arag ah oo kaalin muuqato ku leh nabadeynta iyo dhab u heshiisiinta bulshada.”
Sida ka muuqata hadalka Kheyre waa munaafaqaddiisii, wuxuuna isku qarinayaa qiiq, haddii aad Galaal u aqoonsan tahay qofkaas aad sheegeyso maxaadan uga faa’iideyn qaranka intii uu noolaa oo uu talada kugu tuugayey iyo Kan ku keenay ee kaa liita MW hore Farmajo markii uu idin Jen. Galaal ahn gaar ahaan adiga “maandhow sidaan wax looma hogaamiyo, gaar ahaan CXDS ee sidaan yeel “adna aad lahayd waa tuug oo isaga iyo beeshiisa waa in laga adkaadaa.
Haddii aad halyey qiimeyneyso Maxaad Qalbidhagax ugu dhiibtay Cadowga soo jireenka ah ee umadda Somaliyeed? Kheyre waxay ahayd inuu dalka isaga cararo oo uu dhuunto waxaasa nasiibxumo ah inuu isagoo la og yahay halka uu dalka dhigay inuu rabo inuu mugdiga isku soo qariyo isago wali hoosta uga jira Farmajo iyo Fahad.
Waxaa la hubaa inuu munaafaqad kula dhexjiro murashaxiinta oo wixii ay kuwada hadlaan uu saacad ka yar ku gaarsiiyo Fahad iyo Farmajo, mana aha qof la aamini karo. Muxuu isu cadeyn la’ayahay waa Abuuraaskii Maxamed Siyaad London iyo SNM u dirsaday oo kale waa la soo dirsaday.
Haka hadlo bannaanbaxa oo ha sheego dhammaan khaldaadkii dalka lagu geliyey intii uu hogaaminayey xafiiska RW.
Weli lama arag lamana maqal kheyre oo wax ka sheegaya wixii uu kharribay, waxa hadda la kharibbo ee uu bilowgeedii ogaa iyo waxa ay ku heshiiyeen isaga, Fahad iyo Farmajo. Warar la helayo ayaa sheegaya inuu xataa ku hadaaqayo in haddiiba uu madaxdweyne noqda, rabbi ha naga najeeyee, uu Faramajo noqon doon RW, Fahadna u uhalkiisa ka miisi doono, dibna ay u furan doonaan isaga iyo Ducaale warshadoodii Dhagxaanta oo dalka oo dhan lagu baahin doono.
MOL waxay mar waliba bannaanka soo dhigi doontaa qof kastaa oo dalkaan khalad ka galay.