Mukhtar Roobow oo Muqdisho la keenay iyo dagaal weli ka socda Baydhabo

Reading Time: < 1 minute

Sida aan wararkii hore idiinku soo gudbinay, waxaa daqiiqado ka hor laga soo dejiyay garoonka Adan Cadde Musharax Mukhtar Roobow oo maxbuus ah waxaana toos loogu gudbiyay xabsiga godka Jilicow.

Waxaa saaka magaalada Muqdisho ka baxay si uu u soo gelbiyo musharrax Mukhtar Robow, madaxa habmaamuuska NISA Cabdullaahi Kullane (Jiis Mariixan) oo Muqdisho keenay Mukhtar Robow.

Mukhtar Robow ayaa waxaa lagu soo qabtay qaab khiyaano ah kaddib markii loo sheegay musharaxiinta in ay garoonka diyaaradaha Baydhabo yimaadaan si ay ula kulmaan guddiga doorashooyinka.

MOL aya hore idiinkugu soo gudbisay xog aan helnay Bishan marka ay Fahad 7 oo ahayd in Mukhtar Robow ama la soo xiro ama la dilo amarkas oo uu bixiyay Fahad Yasin toban maalmood ka hor. 

Musharaxii ugu danbeeyay oo aha Mukhtar Robow ayaa waxaa goobta ku sugaayay Jiis Mariixaan oo ay galbinayaan ciidan Itoobiyaan ah, ilaalada Mukhtar Robow aya markiiba waxaa galay dareen waxaana lagu bilaabay xabbad. Ilaalada Mukhtar aya laga dilay seddex halka ay iyaguna dileen hal askari oo Itoobiyaan ah iyo mid ka mid booliska Muqdisho laga keenay.

Xaaladda Baydhabo ayaa cirka isku shareertay waxaana ilaa hadda ka socda dagaal u dhexeeyay shacabka iyo ciidanka Itoobiya oo garab ka helaayo ciidanka Booliska ee Muqdisho laga keenay

 

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!