Kulan qaatay maalin iyo habeen oo dhex maray Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmajo Agaasimaha NISA Xuseen Cusmaan Xuseen iyo Mukhtaar Roobow ayaa gunaanadkii waxaa la isku afgartay in uu sii wato musharaxnimadiisa Mukhtaar Roobow.
Mukhtaar Roobow oo ay maalingelineyso Madaxtooyada JFS ayaa waxaa is sharaxaadiisa walaac ka muujiyay dowladaha reer galbeedka oo ay ugu horreyso dowladda Mareykanka.
Go’aankan uu qaatay Madaxweyne Farmaajo aya u keeni doona cawaaqib xumo uu kala kulmo dalka Mareykanka oo uu dhalashadiisa haysto. Sida uu qabo xeerka ciqaabta argagixisada, waxaa uu sheegaya muwaadinka Mareykanka ah ee lagu helo in uu taageero, la shaqeeyo ama kaalmo siiyo shaqsiyaadka ku jira liiska argagixisada Mareykanka in uu isagana yahay argagixiso laguna maxkamadeyn karo. Ciqaabta uu helaayo haddii ay ku caddaato danbigaas ayaa noqonaayo 25 sano ilaa xabsi daa’in.
Lama oga tallaabada tan xigta ay qaadi doonaan dowladda Mareykanka oo mar iyo laba ugu digtay dowladda Soomaaliya in hub, lacag iyo kursi siyaasadeed la siiyo Mukhtaar Roobow.
Mukhtaar Roobow ayaa ka mid ah ragga ku jira liiska argagixisada Mareykanka oo la baadi goobayo kaasoo ka dhigaayo Madaxweyne Farmaajo mid ku xadgudbay fal argagixiso marka loo eego sharciga argixisada dalka Mareykanka (18 U.S. Code Chapter 113B – TERRORISM)