Mukhtaar Robow oo ka maqan dagaalka Al Shabaab & Shirka Baydhabo! Sabab?

Reading Time: 2 minutes

Mukhtaar Rooboe oo haray uga tirsanaan jiray  hogaanka sare ee Ururka Argagaxisada Al Sbabaab, dhawaana loo magacaabay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee dowlada Xasan Sheekh ayaa gabi ahaanba ka maqan masraxa siyaasada dalka.

Maqanaanshaha Mukhtaar Roobow ayaa ku soo beegmeysa iyada oo ay dalka ka socoto dagaal looga soo horjeedoo kooxdii uu isaga hogaamin jiray. Mukhtar Robow ayaa safar ku aaday dalka Sacuudi Careebiya iyada oo la sheegay in uu dalalka kalana si qarsoodi ah ku tagay.

Waxaa dad ban isweydiinayaa sababta keentay in Mukhtaar Roobow uusan marnaba ka hadlin ama uusan qeyb ka noqon dagaalka lagula  jiro saaxibadiisa hore?.

Wali macada sababta rasmiga ah ee Mukhtar Roobow uga gaabsaday dagaalka Al Shabaab? Waxa ay ahayd xiligaan adag in uu tago furimaha diagaalka, qaybna ka noqodo abaabulka looga soo horjeedo Al Shabaab.

Siyaasiyiinta  qaar ayaa aaminsan in Mukhtar uusan wali ka tanaasulin caqiidadiisa ku wajanan mabaa’iidiida sal dhiga u ah u  kooxda Al Shabaab, halka kuwa kalana ay ku tuhmayaan in uu safar u galay sidii uu wadahadal loola furi lahaa kooxda Al Shabaab.

Dhanka kale Mukhtaar Roobow ayaan shaacinin  in uu ka mid yahay Midowga Murashaxiinta tartanta ugu jirta doorashad madaxweynaha dowlad goboledka Koonfur Galbeed. Ilo lagu kalsoon yahay oo MOL u waramay ayaa asheegay in Mukhtar Roobow uu diyaar garoow fiican ugu jiro ka qaybqaadashada doorashada Koonfur Glabeed laakiin uusan xiligaan doonaynin inuu hor boodo arinkaas.

Sida la sheegayo waxa uu qorsheynayaa in uu ku dhawaaqo musharaxnimadiisa marka ay caatado xiliga jaangoonta doorashada Koonfur Galbeed.

Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku xiray sharuudiii sii deymaiisaa in uusan marnaba qayb ka noqon doorashada Koonfur Galabeed taas oo muuqato in ay dhici doonta dabayaaqada sanadkaan. Mukhtar kama uusan tanaasulin hankiisa in uu madaxweyne ka noqdo Koonfur Galbeed isaga ayaana arintaas horay u sheegay.

Dad badan ayaa rumeysan in cida kaliya eek a guulaysan kartaa Madaxweyna Laftagreen in uu yahay Mukhtaar Roobow, madaama madaxda kale horay loo tijaabiyay.