Muhiimada khudbadihii laga jeediyay furitaanka shirweynaha beesha Mudolood

Reading Time: 4 minutes

Shirweynaha Beelaha Mudullood oo maanta oo Isniina ka furmay Xarunta Mowlaca Macalin Nuur ee Magaaladda Muqdisho ayaa waxaa ka qayb galay Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya sida Xasan Sheekh Maxamuud, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Cali Mahdi Maxamed, Ra’iisul Wasaarihii hore Cali Maxamed Geedi, Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi  Waare, siyaasiyiin, Wasiiro, Xildhibaano, duubabka dhaqanka Beesha iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.Image may contain: 9 people, people standing and suit

Shirka oo warbaahinta maxaliga ah si toos looga daawanayay ayaa ku furmay si degan iyo khudbado ay jeediyeen madaxdii ku sugneed furitaanka madasha wada tashiga shirka Beellaha Mudolood oo bilihii la soo dhaafay qaban qaabadiisu ka socotay magaaladda Muqdisho.

Imaam Maxamed Yuusuf Imaamka Beesha Mudullood  ayaa shirka furay, waxaana uu soo dhoweeyay shirka maanta ka qabsoomay Muqdisho, isagoo ugu baaqay Soomaalida kale in haddii ay gogol u baahdaan Mowlaca Macalin Nuur ay imaan karaan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka jeediyay shirka khudbad dhinacyo badan taabaneysa, isagoo xusay loo baahan yahay Muduloodka xilka haya iyo midka ka degay ay jirtaa waxa ay wada dhowrayaan.

“Waa in ay jirtaa wax ay wada dhowraan siyaasiga xilka haya iyo midka xilka ka dagay oo ay beeshu leedahay, Umad waxa ay ku horumartaa talo mideysan iyo mabaa’dii, waxaan u baahanahay masaaliix joogto ah oo aan marnaba raacin is bedelka siyaasadeed ee dalka”ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo lagu martiqaaday shirweynaha Beesha Mudullood ayaa jeediyay hadalo u badan boggaadin iyo dhiiragelin u jeediyay beelweynta Mudullood, isagoo soo dhoweeyay furitaanka shirka beesha isugu timid.

“Qofku marku uu gurigiisa ka soo baxayo muraayad ayuu isku fiiriyaa, si uu quruxdiisa u arko, quruxda rasmiga ah waa in laga arkaa deegaanada ay beeshu degto”.

Dr Waare ayaa sheegay in loo baahanyahay in beesho maal galiso deegaanada iyo Degmooyinka ku yaalla Dowlad-goboleedka Hirshabeelle oo fatahaaduhu dhibaatada ku hayaan isaga oo amaanay isku tashi uu sheegay in ay sameeyeen siyaasiyiinta iyo dhaqanka Galmudug.

Maxamed Abuukar Islow  Ducaalle sii hayaha xilka Wasiirka Amniga Dowladda Faderaalka Soomaaliya oo shirka ka hadlay, isagoo arrimo ay u badneyd siyaasadda iyo isu imaatinka Beesha ka jeediyay shirka.

Islow oo la aaminsanyahay in uu yahay Saaxiibka 1 aad ee Ra’iisul wasaarihii xilka laga tuuray Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in ay muhiim tahay in doorashadu waqtigeeda ku dhacdo isaga oo tusaale u soo qaatay Madaxweyne-yaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif.Image may contain: 1 person, suit and text

“Doorashada waa inay ku dhacdaa waqtigeeda, maalinna laguma darsan karo, Madaxweyne Sheekh Shariif doorashada waqtigeeda ku qabtay, Madaxweyne Xasan Sheekh sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo waa inuu raaca wadaddii Madaxdii ka horeysay”ayuu yiri isaga oo soo dhaweeyay furitaanka shirka Mudullood.

 “Mudullood waa Maktabad Qaran laga soo bilaabo AUN Madaxweyne Aadan Cadde ayaa lagu soo aaminay hoggaanka Ummadda Soomaaliyeed, illaa iyo haddana waxa ay ka talinayaan Maslaxada Ummadda” ayuu yiri Ra’iisul Wasaarihi hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi oo shirka ka hadlay.Image may contain: 1 person, text

Geedi ayaa bogaadiyay bahda soo qaban qaabisay shirkaan waxa uuna sheegay in ay muhiimtahay wadatashiga beellaha iyo raadinta xuquuqda Gobolka Banaadir.

Cali Maxamed Geeddi oo sii hadlayay ayaa yiri “Dowladda maanta jirta meel fog ayay ka timid, beeshana wiilal iyo hanti badan ayaa uga baxday, waa in aan wada ilaalinaa Dowladnimada” ayuu adkeeyay Ra’iisul wasaare Geeddi.

Cali Mahdi Maxamed, madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo Madaxweyne Farmaajo xusuusiyey in doorashada waqtigeeda ku qabto isla markaana dalka uusan ku hogaamin ‘dagaal sokeeye’ ayaa yiri: “Hadda siyaasi maahi, laakiin waa ahaa, maskiin gurigiisa joogay baan ahay. Laakiin hal shey ayaa jira oo hadii aan waayo aan dadka ku dilaayo, waxaan rabaa dowlad caadil ah, hadii aan waayo qorigeygii cadaa wali xabadda kama dhamaan”.Image may contain: 1 person

Shariif Sheekh Maxamed, madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya ahna gudoomiyaha Madasha Xisbiyadda Qaran oo adkeeyay ahmiyadda ay leedahay in laga heshiiyo nooca coddeynta soo aadan, ayaa ugu baaqay madaxweyne Farmaajo in uu doorashadda xilligeeda ku qabto. “Madaxweynow lacagta adigaa laguugu tuhmayaa bisinka u qabo,” ayuu raaciyey.Image may contain: one or more people, people on stage, people standing and indoor

Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynihii 8aad ee Soomaaliya oo hoosta ka xariiqay “in aysan soconeyn in aan joogo jeclaayee,” [muddo kororsi], ayaa ku eedeeyay dowladda Farmaajo in ay ka gaabisay u diyaarinta dalka ee doorasho qof iyo cod ah, kana digay muddo kororsi; wuxuu cod dheer kusoo jeediyey in laga miradhaliyo natiijadda shirka Dhuusamareeb iyo sarreynta sharciga.Image may contain: 1 person