Mudulood:”Dowladu hanoo sheegto dagaal Cadale in ay ku faraxsan tahay wax kale uma harine”

Odayaasha iyo waxgaradka beesha mudulood qaarkood oo kulan xalay ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay ka hadleen dagaal beeleed dhaliyay qasaaro iskugu jiro dhimasho iyo dhaawac oo maalin ka hor ka dhacay deegaan hoos tago cadale.

waxaa ay dowlada federaalka ah ee Soomaaliya ku eedeeyeen in aysan wax-gurmad ah oo colaadaasi lagu qaboojinaayo aysan wali ka helin,islamarkaana ayba u muuqato mid raali ka ah.

Dagaal ka dhacay deegaankaasi ayaa waxaa ka dhashay qasaaro iskugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac,waxaana jirin cid kala dhex-gashay walow uu iskiis u joogsaday.

Odayaashu waxaa ay dowlada ka dalbadeen in ay cadeeyso in raali ka tahay dagaal iyo in kale”Dowladu hanoo sheegto dagaal Cadale in ay ku faraxsan tahay wax kale uma harine”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here