Mudeey iyo Mursal oo la siiyay dhul ku yaalo duleedka Kaaraan, laguna qiimeeyay $2 Malyan?

Reading Time: < 1 minute

Waxa dhul balaaran oo ka kooban boqolaal boos laga  siiyay deegaan ka tirsan degmada  Kaaraan kaas oo ku gadaaman xeebta badda kuna dhaw degeenka Keysaneey.

Dhulkaan oo degaan ahaan ay lahaayeen dad shacab ah oo ka soo jeeda deegaankaas, ayaa waxa si wadajira u bixiyay Gudoomiyaha Gobolka Banadir Cumar Filish iyo Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Maxmed Abdikarin Gabeyre.

Bixintaan dhulkaan qiimaha weyn ugu fadhiya dadka ku dhaaqan degaankaas ayaa waxa laga qariyay shacabka ka soo jeeda degaankaas iyo warbaahinta. Ma cada sababta rasmiga ee dhul dad leeyihiin loo siiyay Muudeey iyo Mursal.

Labadaan nin ayaa ku guuldaraystay  in dib loo soo doorto. Hadii dhulkaas ay damcaan in beeceyaan maanta waxa uu u gaynaa aduun kor u dhaafaya labo Malyan oo lacagta Maraykanka.

Ilaa iyo hada ma jirto dad ka soo jeeda degaankaas oo ka dhiidhiyay boobka dhulka ay dhaxalka u lahaayeen.