[Prof: Jawaari] Waa in BJFS loo Kordhiyo 2 Sano kadibna ay Doortaan MW KMG ah? Ma Saxbaa?

Reading Time: 3 minutes

Maxamed Sheekh Cusman’Jawaari” waa khabiir arrimaha siyaasadda iyo Distuurada dalka Somaliyeed waxaanu ahaa gudoomihii golaha shacbiga muddo. Jawaari waxaa lagu yaqannaa inuu yahay shakhsi ku hadla xikmad aysan inta badan fahmin oo waxaa uu awood u leeyahay inuu sameeyo odoros ku qotoma xaaladdaha soo socota, gaar ahaan kuwooda distuuriga ah oo ka timid khirabarrada dheer ee ka soo bilaabatay horaantii lixdameeyada.

Hadda ka hor mar uu la hadlayey beesha Caalamka iyo xubno barlamanka ah ayuu waxaa uu ku yiri bilowgii Barlamankan “Hadda shaqo bilaaba oo ii keena war cad inaad doorasho qof iyo cod ah qaban karo iyo inaan qaban Karin muddo xileedka  barlamankaan si aan shacbiga ugu sheego intaad reedreedow u shaqeysaan”.

Mudane Jawaari waxaa la dagaalay dowladdii Farmajo oo waxay ka hor imaneyeen in sharci lagu shaqeeyo oo la bilaabo hannaanka isu diyaarinta doorashada muddo hore si aan loo iman goobtaan maran ee hadda la soo isrtaagay iyadoo la qaawan yahay lana aqoon meel looga dhaqaaqo.

Guddoomiyihii hore ee Barlamanka Mudane Jawaari ayaa mar kale haddaba soo jeediyey talooyin uu is leeyahay waa looga gudbi karaa xaaladdaan sida aay MOL idiin soo gudbisay, talooyinkaas oo ah:

  1. In Baarlamanka loo kordhiyo laba sano kadibna ay doortaan Guddoon cusub iyo Madaxweyne cusub oo KMG ah oo jooga laba sano.
  2. In madaxweynaha lKMG ee la doortaa uusan dib isu soo sharrixi Karin, marka ay labada sano ka dhamaato, isla markaana uu qabto doorashooyinkii Barlamanka ee qof iyo Cod ah.

Haddaba aynu eegno sida ay dhaqangal u yihiin labadaan qodob iyo waxa wanaagsan ee ka soo bixi kara. Su’asha Madaxweynaha ee ah inuusan isa soo sharrixi Karin waxay keeneysaa inay adkaato inuu jiro qof raba inuu laba sano oo kaliya joogo dibna aanu isu soo sharrixi Karin. Qodobka koowaad ee ah in Baralamanka loo kordhiyo laba sano waa talo maangal ah oo u muuqata in mugdigaan looga bixi karo waxayna abuuri kartaa fursad cusub oo ay Baarlamanka ku doortaa Madaxweyne dalka doorashoo gaarsiiya muddada labada sano ah ee ah ee uu Baarlamanka jiraya. Qodobkan dad badan ayaa u riyaaqaya waana qodob la dhaqan gelin karo waxaana ku talineynaa in haddiiba uu dhaco shirka 15ka Febraayo in qodobkaan ay dowlad Goboleedyada ku daraan ajendaha.

Qodobka labaad MOL iyo Khubaro ay la hadashay way ku khilaafsan yihiin Mudane Jawaari waayo qodobkaan waxaa hadda looga faa’ideysan karaa in lagu kala furo hay’adaha dowladda oo hal mar isla dhimanaya ama uu waqtiga ka wada dhacayo isku mar sidaas daraadeed waxaa saxan in:

  1. Madaxweyney ay Baarlamanka dooranyaan marka iyaga laba sano oo heshiis siyaasadeed ah logu daro si dhibaataadaan in mid soo socota hal mar loo wada xalliyo.
  2. Madaxweynuhu waa inuu ahaadaa mid rasmi ah oo afar sano xilka haynaya soona dhiso dowlad ay u ansixiyaan oo hawsha dhabta ee doorashada dalka qabato.
  3. Madaxweynahaas waa inuu ka shaqeeyaa:
    1. Inuu laba sano gudahood uu ku qabto doorashada Barlamanka 11aad.
    2. Inuu ka shaqeeyo sidii loo qabya tiri lahaa distuurka.
    3. Sidii loo xoreyn lahaa dalka, kadibna loo aadi lahaa dorasho qof iyo cod ah muddo laba sabo ah.

Qodonkaan dambe ee aan Khabiir Jawaari aan ku khilaafnay waxaan uga dan leenahay inay noo kala baxaan doorashada Madaxweynaha iyo tan Baarlamanka si hay’adda hawsha haysaa sida Madaxtooyada ama Barlamanka aysan dantooda uga dhex muuqan maxsuulka ama jawaabta doorashadaas ka soo dhex beysa si caddaalladda loogu dhowaado. Madaxdweyanaha iyo Barlaman walba waxay isla shaqeynayaan laba sano waana hannaanka dunida badankeeda ah barlamanteeriyaan ay ku dhaqanto.

Haddaba Madaxda kulmi doonta 15ka Febraayo, haddiba ay kulmaan waa inay ajendaha ku daraan labadaan qodob soona ansixiyaan, waxayna shakhsi ahaan iyo dowlad ahaan ku galayaan taariikhda inay dalka waddo haboon saareen xelligii ay qalinka haysteen, dalkana u baahnaa in kuwiisa caqliga leh ay u kaceen xelligii uu ugu baahida badnaa.