Mudaharaadyo Ay Dad Ku Naf Waayen Logana Soo Horjedo Wasirka Arimaha Gudaha Somaliland oo Ka Dhacay Burco

Reading Time: < 1 minute

Magaalada Burco waxaa hadda ka socda mudaaharaadyo looga soo horjeedo wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin iyo dagaalka ka socda Bariga Soomaaliya.

Sida Wararka ay sheegayaan dadka dibad-baxaya ayaa Kaahin ku eedeeyay inuu mas’uul ka yahay colaadda ka taagan gobolka Bari.

Ciidamada Booliiska ayaa la sheegayaa in ay adeegsanayaan rasaas nool si ay dadka u kala kaxeeyaan, dibad-baxana aanu u fidin.

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhintay labo kalana waa ay ku dhaawacmeen mudaaharaadyada ka socda Burco.

Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in meel badan oo Somaliland ah aan maanta laga xusin May 18, taa badalkeedana ay ka dhaceen mudaaharaadyo.