Mudaharaad looga soo horjeedo dalka Qatar oo maanta ka dhacayo magaalada London

Reading Time: < 1 minute

Waxaa maanta ka dhacaya magaalada London Mudaharaad balaaran oo looga soo horjeedo faragalinta buuxda oo ay dowlada Qatar kula jirto dalka Soomaaliya. Mudaaharaadkaan ayaa waxa soo qaaban-qaabisay ururka loo yaqaano “Somali Pressure Group” oo ka kimida jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magalaada London.

Dowlada Qatar ayaa waxaa hanti iyo dhaqaale ay ku bixisaa  in kooxda Al Shabaab iyo kooxaha kole aa mayalka adag ay Soomaaliya saameyn ugu yeelan lahaayeen mushtaqabka Soomaaliya.

Dalka Qatar oo isticmaaleyso shaqsiga lagu magacaabo Fahad Yasin  ayaa dhaqaale badan ku bixisa sidii hogaanka Soomaaliya u noqon lahaa mid ay gacan ku rimis ah gadaalna ay iyada ka maamulaan.

Sida loo xaqiijiyay MOL, mudaharaadkaan mid la mid ayaa lagu qaban doonaa shan dal oo ku yaalo qaarada Yurub.

 

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!