Mudaaharaadyo looga soo horjeedo Somaliland oo markale ka qarxay Laascaanood

Reading Time: < 1 minute

Muddaharaad xooggan ayaa mar kale saaka dib uga bilowday magaalada Laascaanood halkaas oo shalay ciidamada Somaliland ku laayeen dad shacab ah oo muddaharaad samaynayay.

Muddaharaadkan ayaa looga horjeeda dilalka qarsoon iyo kuwa muuqda ee lagu hayo shacabka magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool. Dhammaan suuqyada iyo xarumaha Ganacsiga Laascaanood ayaa sidoo kale saaka xiran kadib markii Ganacsatadu shaqa-joojin sameeyeen.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka sare ee Baarlamanka Soonaaliya Sen. Cabdullaahi Cali Xirsi (Tima-cadde) ayaa xasuuq ku tilmaamay waxa ka socda Laascaanood. “Waxaan aad u cambaaraynayaa xasuuqqa muddada dheer uu Maamulka Soomaaliland ku hayo dadka shacabka ah ee reer Laascaanood” ayuu yiri Tima-cadde.