Mucaarid iyo Muxaafid dalku Malaha ee waa….

Reading Time: 3 minutes

“Dalkan mucaarid iyo muxaafid midna malaha ee waa tuugo iyo koox sugeysa inay tuuganimada kala wareegto” ayuu yiri Saalax Nunne oo Salaadda ku tukanayay masjidka Dabqeynka. Waa runtiis  oo Tuugada dalka haysataa waa seddex koox oo isku ujeeddo ah; NN, Shabaab iyo Beesha Caalamka waxaana xil sugayaal ah koox isku sheegtay mucaarid oo iyagana aan dal dan ka lahayn oo calshood u shaqeystayaal ah.

Saalax oo uu ka muuqday xanaaq iyo cabsi ayaa intaas ku daray “Yaa beenta loo akhrinayaa maxay ku heshiin karaan mucaaridka sida Shariifka, Xasan Kheyre, Cabdikariin Guuleed, iyo Siriin oo u kala dhuunta Farmajo iyo Fahad. Dahir Geelle iyo Jibriil oo is qari hadana is muuji ku jira, Cabdiraxman  Cabdishakuur oo wareersan oo garan la’ meel uu wax ka qabto, qolo uu raaco iyo Qof walba oo uu diidaan yahay  iyo Xasan Sheekh oo ay isaga khaldan yihiin xelliga nabadda la doono  oo la odayeeyo iyo xelliga gacmaha lalaabto oo dalka loo dhinto.”

Mucaaridka waa in la kala miirmaan oo hadda dib loo abaabulaa mucaarid rasmi ah iyadoo kii laga shakiyo lga saarayo si  degdeg ah qabiilkiisana loo sheegayo inuusan mucaaridka ku matali Karin ee ha ku matalo seddex tuug ee kale.

Hadda waxaan qabnaa inbulshada ay diyaar u tahay cid hogaamisaa oo la heli karo dad badan oo khaladkoodii hore gartay kadib markii ay dharbaaxyo culus ku soo dhacday, kuwaas oo maanta u diyaar ah inay halganka ka qeyb galaan, waxayna isugu jiraan saraakiil sarsare oo ciidanka ah, madax sarsare iyo xildhibaanno laga soo eexday oo raba inay dalkana wax u qabtaan xaqooda ku raadsadaan awoodda sharciga haddii la waayana awooda xoogga.

Haddii aan maanta la tashan oo aan dib la isu abaabulin waxaa la galayaa xaalad tan aad uga xun oo keeni doonta dembiilayaal iyo gacan ku dhiiglyaal oo ku dhimanaya kuraasta la siiyey,una dilaya cid kasta inay gacanta ku dhigaan talada dalka.

Cabsida iyo Dhiigga Daadan doona maanta yaan la fududeysan.

Cid waliba waxay garan kartaa Fahad Yasiin oo haysta awood ciidan, Yassin Farey, Odawaa, Xijaar, iyo Farxaan Qaroole oo sameynaya waxkasta oo uu u yeeriyo  oo aan cidna is hor istaagi Karin waxa ka iman kara  waa la garan karaa,  taas oo ah in xaafadao badan oo Xamar ah la gubo sida karaan iyo bakaaraha oo laga bilaabi doona.

Dhinaca kale, dhiillaba ta kale culuse,  waxaa socda qorshe xoog leh oo aan qarsooneyn oo ay dowladda Qatar waddo oo ah in dalkaan Shabaab gacanta loo geliyo Fahadna looga dhigo madaxweyne ugu dambeynta oo Farmajahan doqonka ah marka lagu gumaado dadka laga takhaluso sida ilo xasaasi ah oo xog ogaal ahi ay sheegayaan.

Ganacsatada Xamar

Ganacsatada Xamar hadda waxaa canshuura afar kooxood oo kala ah:

  1. NN oo wasaaradda Maaliyadda u soo dhex marta una sheegta wixii ay ka qaadatay Daacish iyo Shabaab.
  2. Shabaab oo caddaan uga qaata, haddii ay diidaanna dila.
  3. Daacish oo ay Khasab tahay inay la kala qariyo iyaga iyo shabaab haddii mid kamid ah uu ogaado inuu canshuur kan kale siiyey ganacsadahaas waa maqan yahay.
  4. Cumar Finish oo isagana wixii ka qaado geeya Villada.

Haddaba reer Muqdishow ilaa intee ayaad sidaan ku soo jireysaa sow kuma sii xigeyso shiribkii ahaa “ Naagtaada ha niikisee Ninki horaan lagu necbaay” kanna jidkii ayuu ku socdaa ee raali ahaada.