Mucaaradka Somaliland oo quus taagan & Muse Bixi oo ay ka go’an tahay kororsi

Reading Time: < 1 minute

Shalay ayaa ahayd waqtiga ay qabsadeen  Xisbiyada Mucaaradka  Somaliland inay gabi ahaanba joojin doonaan dhaqdhaqaqa ganacsi iyo kan siyaasdeedba ee Somaliland. Hadaba waxaa hada muuqata in mucaaradkii ay ku fashilmeen in ay Muse Bixi ku qasbaan in uu ka noqodo waqti kororsiga uu sameeystay.

Waaa sidoo kale muuqata in shacabka Somaliland ay ka dhaga adeegeen codsiga mucaaradka ee ahaa in dowlada lagu mudaaharado. Dhanka kale, Mucaaradka Somaliland ayaa shalay ku dhawaaqay in ay gabi ahaanba kalsoonidii iyo aqoonsigii kala noqdeen madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo warbaahinta u akhriyay go’aamo ay gaadheen kadib markii ay maanta dhamaatay 5-tii sanno ee la doortay madaxweynaha Somaliland.

“Maanta laga bilaabo Muuse Biixi iyo xukuumadiisa uma aqoonsanin qaar sharci ku fadhiya, sii socoshada xukunkiisu waxay ku suntantahay xoog ku haysasho iyo kalidii talisnimo, inta la helayo heshiis siyaasi ah oo layska ogolyahay oo lagaga baxo khilaafka ” ayuu yidhi Cirro.

Waxa uu sheegay in axsaabta mucaaradku ay aqoonsanyihiin jadwalkii doorashada ee ay soo saareen Guddida Doorashooyinka Somaliland  isla markaana ay diyaar u yihiin in ay galaan doorashooyinka oo ay ugu soo horayso doorashada madaxtooyadu.

Waxa uu sheegay in mucaaradku ay kasoo horjeedaan doorasho kasta oo aan heshiis lagu ahayn, isaga oo dhinaca kale sheegay in ay diyaar u yihiin wadahadal kasta oo lagu gaadhayo heshiis doorasho.

Marka laga yimaado kalsoonida ay kala noqdeen xukuumada Somaliland, waxa uu sheegay in mucaaradku ay aqoonsanyihiin sharcinimada golayaasha sharci dajinta, dowladaha hoose iyo maamulka adeega dadweynaha.

Shacabka ayuu ugu baaqay in nabad isku duubni iyo in ay nabadgalyada ilaashadaan, lakiinse anay aqbalin wixii sharci daro ah.