Inkastoo doorashadii xalay ka dhacday magalaada Muqdisho uu ku guuleystay Shiikh Aadan Madobe oo ay si wadajira u taageereen dhamaan mucaaradka ka soo horjeeda Farmaajo ayaa hadana waxaa soo if baxay daldaloolo cusub oo walwal cusub galiyay mucaaradka.
Tirada guud oo ay mucaaradka heleen waxaa uu dhaafiwayay 74 cod halka Farmaajo iyo kooxdiisa ay heleen 98 cod. Tani ayaa waxaa ay muujinaysaa in mucaaradku ayan lahayd awood ay ku doortaan madaxweyne. Arintaan waxa sidoo kale sii xoojinaysaa in 74ta cod oo ay heleen ay xiliga doorashada madaxweynaha uu kala qaybsami doono.
Wareega labaad waxaa lagu goobtaa hal musharax, taas oo macnaheedu tahay musharax kastaa waxa uu helo wareego koowaad ayaa ah codka rasmiga ah ee uu haysto.
Hadada hadii 74 cod ay qaybsadaan 20 musharax iyo in ka badan, Farmaajana uu haysto 90 xildhibaan oo isku xiran, waxaa uu dalka markale khatar ugu jiraa in Farmaajo dib loo soo doorto.
Saciid Cabdullahi Deni ayaa xalay lacagtii ugu badnayn ku bixiyay doorashada halka musharaxiinta kale ayan haysan wax dhaqaale ah.