Mucaaradka MW Axmed Madoobe oo Muqdisho ku shiraya & MW Farmaajo oo la kulmay

Reading Time: < 1 minute

Waxaa Jimcihii iyo maanta oo Sabti ah ku kulmay magaalada Muqdisho mucaaradka ka soo horjeeda MW Axmed Madoobe iyagoo ka arrinsanayay sidii loo dardar gelin lahaa qabanqaabada Doorashooyinka lagu wado in ay ka dhacaan magaalada Kismaayo dhammaadka sanadkan.

Mucaaradka aya waxaa gadaal ka riixaya MW Farmaajo isagoo ku bixinaya dhaqaale sidii looga dhigi lahaa doorashooyinka Jubbaland sida tii ka dhacday Koofur Galbeed oo lagu soo doortay Hoggaamiye maqaarsaar ah.

MW Farmaajo iyo RW kheyre ayaa dardar gelinaya dagaalka ay kula jiraan maamulka Jubbaland iyadoo muddo laga joogo seddex usbuuc uu magaalada Muqdisho ku sugnaa Axmed Madoobe oo dowladda federaalka ah aay siisay lacag hor maris ah oo dhan $500 kun taasoo laga soo bixiyay qasnada Gobolka Banaadir.

Shirka mucaaradka aya maalintiisii labaad waxaa uu ka socdaa Hotel Jazeera waxaana caawa ay la kulmeen MW Farmaajo. MOL ma helin wixii laga wada hadlay balse dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa.