Shacbiga waxay joogaan reynreyn iyo farxad oo muddo ma aysan arkin MW iyo RW habeen barkii wiifto isu tuuraya muddo sannad kau dhow, laakiin Xildhibaanno ayaa la leeyahay way ka xun yihiin arrinntaan oo waxay rabaan inay madaxda dowladda sida MW, RW iyo Golaha shacbiga ay madaxda iskula jiraan lana joojiyo dagaalka Shabaab, den cafinta, Soo celinta Amaanka Caasimadda.
Sidaas darted Maalmahaan waxaan maqleynaa in ay jiraan koox ka tirsan Barlamaanka iyo kooxo kale oo Danley u badan inay hadal hayaan mooshin kaas oo sida dhabta ah looga horjeedo horumarka ay dowladda hadda jirtaa ku gaartay wada shaqeynta laamaheeda dowladda.
Sideedana mooshinka ilaa carta waxaa uu ahaa aalad lagu horjoogsado dowlad kasta oo dalka ka jirtaa marka ay waddo hagaagsan qabsato sida hadda aynu nahay.
Kama tirsanin dowladda mana ku raacsanin wax walba iyo sida ay u qabatay, laakiin waxaan shaki ku jirin in ay socdaan taallaabooyin waawyn oo muuqda kuwaas oo loo qaaday dhanka wanaagsan.
Dhabtii waa caado in cid waliba ay ka hortimaado waxa dhibaya kooxdaan waxaa dhibaya horumarka muuqda ee dhinacyo badan ah waxayna goosteen inay ka horyimaadaan horumarkaas iyagoo muujinaya inay lid ku yihiin oo dhaleceyn dowladda iyo dhib shacbiga ah isula taagan meel walba.
Dhaleeceyntaas loo jeedinayo dowlad aan weli sannad jirsan, taas oo qabatay wixii ugu weynaa ee dowlad Somaliyeed qabato intii ka dambeysay 1991 ayaa waxaa ka mid ah:
1. Madaxweynaha waa qabiili oo qabiilkiisa, kooxdiisa iyo qoyskiisa ayuu naas nuujiyaa. Tanna waa been waayo madaxweynaha qofna qabiil kuma dooran, xataa jufadiisa qaar kamid ayaa saluugsan, sidoo kale kuwii isaga ka soo horjeeday ayuu shaqadoodii u dhaafay iyadoo kuwii dagaalka la soo galay oo soo noqoshadiisa qeyb weyn ku lahaa ay bannaan ka joogaan dowladnimada. Waayo waxaa uu u arkay inay jiraan kuwa kale oo kaga haboon hawsha la galayo xelligaan.
Waayo Sida xukunka lagu yimaadaa mar waliba ma ahan sida xukunka kugu hayn karta ee waxaa loo baahan yahay in xaqiiqda la wejisaaro ee aan mabda’a ama fikrad gaar ah kaliya lagu dhegenaanin waana sida hadda uu MW Xasan sheekh hawsha ku wado.
2. Dowladda waa fashilantay oo dagaalkii ay bilowday waa is taagay iyo wax badan oo dacaayadao daneysi iyo aniga wax ha la isiiyo ku dhamaanayey ayaan maqleynay, iyadoo weliba maseyr indho la’aaneed uu ka muuqday habdhaqankii kooxo sheegayey inay wax dhaliilayaan. Dal sidaan kuma dhismi karo ee waxaa loo baahan yahay in doodaha kor loo qaado oo lagu saleeyo caqli, aqoon iyo dareen waddanimo. Khasab maaha in dowladda markaas jirtaa loo nacam nacamleeyo balse waxaa Khasab ah in waxa wanaagsan oo qabaneyso lagu taageero si waxaas ay u noqdaan kuwa mira dhala oo mucaarid iyo muxaafidba ay ugu faa’iideystaan.
3.R/Wasaare Xamza waa fadhiid waxaana shaqadiisa qaatay Madaxeynaha, hasa yeeshee waxay kuwa sidaas leh illoobeen inay Xamza iyo Xasan isku xisbi yihiin oo ay ka wada tirsan yihiin UPD iskusina wax u arkaan, iyadoo aysan waxa raad ah ku lahayn labadooda qabiil. Laga yaabee in reer Xasan iyo reer Xamza jiclaan lahaayeen in jagooyinka oo dhan iyaga loo dhiibo, waxaysa illoobeen in shuruudaha wax lagu xulayey aysna ahayn inay madaxda ku qabiil yihiin, waxaana mararka qaar aad arkeysaa kuwa is celin waaya oo ku leh annaga waxba nalama siin oo reer hebel ayaa loo buuxiyey weelka.
4.Shabaab lalama dagaali karo waayo ciidankeenna caqiiddo ma laha waxay noqotay been harcad laga dabatagay, waa lala dagaalay waa laga guuleystay ciidankeenna waxay muujiyeen caqiiqo aad u xooggan oo ay u dhiman karaan haddey dantu khasabto.
Haddaba kooxda mooshinka la ordeysa waxaa la gudboon inay dalkaan u turaan oo aysan caadifad qabiil iyo mid daneysan wax ku raadin, waayo xataa haddaan jagooyin iyo lacag toona la siin waxay ku noolaan karaan nolol wanaagsan marka uu dalku nabad noqdo iyagoon la ilaalineyn Xamar iska dhex mushaaxi kara. Waayo hadda markey degaanka hooyga u ah ka soo baxayaan waa inay ilaalo wataan.
Bal qiyaas Xildhibaanow adigoo deggan villa geedo qurux badan leh oo harac ah kuna taalla degamada Heliwaa cirifkeeda fog oo beer iyo cajeer casiiir lagu kabbaday ku soo quraacday soona qabsaday gawaarida shacbiga soo raacaan , Isbahaysiga ku soo tukaday salaadda jimcada oo Liido ka qadeeyey kadibna u shaah iyo sheeko doontay Zoope iyo Digfeer halkaasna gurigaaga uga hoyday habeenkii adigoo cid waliba oo ku aragtaa ay ku leedahay xildhibaan sidee tahay?
Marka Xildhibaanow sidaas mooshin laguma gaari karo ee waxaa lagu gaari shaqada oo cid waliba qeybta uga aadan ka qaadato sida adiga oo marwaliba raadiya sidee dowladda loo taageeri karaa si ay shaqo fiican u qabato ugana sii badiso wanaagga yar ee hadda ka muuqdaa, kaas oo uu arki karo oo kaliya waddani iimaan leh? sidee shuruuc cusub oo waxgal ah loo curin kara iyo sidee masaakiinta baahan loogu gargaari karaa?
Iska dhaaf mooshin iyo marin habaabintiisa ee noqo mid dhaxal iyo wanaag uga taga umaddiisa, keenana shuruc badan oo laguugu magacdaro markaad dunida ka tagtana sii jira.
Xildhibaan Maxaad u arki la’dahay Horumarka wadashaeynta dowladda lagu gaaray oo aad u rabtaa iska hor keenka qeyb Barlamanka ah iyo xukuumadda dadaalka weyn muujisay?