Ilaa iyo hadda waxaa is diiwaan geliyay in aay saxiixaan mooshin ka dhan ah RW Xasan Cali Kheyre xilka ka qaadaan 162 xildhibaan kuwaasoo ku tilmaamay go’aanka Xukuumadda inuu ahaa mid aan sharci aheyn, isla markaana ku xadgudubtay dastuurka, halka tiro yar oo xildhibaano ah aay taageersan yihiin kuwaasoo isugu jira qaar ku heyb ah RW Xasan iyo qaar caan ku ah laaluush qaadasho sida Xil. Goodax iyo Xil. Jeesow.
Guddoonka Baarlamaanka ayaa marka uu furo ajandaha kulanka waxaa la filayaa in dood laga yeesho go’aanka Xukuumadda, waxaana laga yaabaa inay ka dhalato in Xukuumadda laga keeno mooshin looga soo horjeedo go’aankaas.
Qaar ka mid ah xildhibaanada dhaliilsan RW Kheyre ayaa Muqdisho Online u sheegay in muddo ka yar 14 cisho (Laba Usbuuc) aay kalsoonida kala noqonayaan RW Kheyre.
[democracy id=”1″]https://youtu.be/nxZZ4sl23lc