Mooshinkii Kalsooni kala noqoshada RW Kheyre oo si xowli ah ku socda

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ayaa wada is xulufeysi iyo olole ka dhan ah Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo wajaheysa caqabado ka dhashay dhacdadii Sarkaalkii ONLF ee lagu wareejiyay dowladda Itoobiya.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay Xildhibaanada ayaa waday kulamo iyo dhaq dhaqaaqyo ka dhan ah Xukuumadda, iyadoo la filayo in maalinta berri marka uu furmo kulanka Baarlamaanka si rasmi ah u bilowdo ololaha ka dhanka ah Xukuumadda.

Ajandaha kulanka berri ayaa waxaa looga hadli doonaa go’aankii Xukuumadda ka qaadataya arrinta C/kariin Qalbi Dhagax oo loo gacan geliyay dowladda Itoobiya, lama oga saameynta ay arrintan kala kulmi karto Baarlamaanka.

Ilaa iyo hadda waxaa is diiwaan geliyay in aay saxiixaan mooshin ka dhan ah RW Xasan Cali Kheyre 162 xildhibaan kuwaasoo ku tilmaamay go’aanka Xukuumadda inuu ahaa mid aan sharci aheyn, isla markaana ku xadgudubtay dastuurka, halka tiro yar oo xildhibaano ah aay taageersan yihiin kuwaasoo isugu jira qaar ku heyb ah RW Xasan iyo qaar caan ku ah laaluush qaadasho sida Xil. Goodax iyo Xil. Jeesow.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa marka uu furo ajandaha kulanka waxaa la filayaa in dood laga yeesho go’aanka Xukuumadda, waxaana laga yaabaa inay ka dhalato in Xukuumadda laga keeno mooshin looga soo horjeedo go’aankaas.

Qaar ka mid ah xildhibaanada dhaliilsan RW Kheyre ayaa Muqdisho Online u sheegay in muddo ka yar 14 cisho (Laba Usbuuc) aay kalsoonida kala noqonayaan RW Kheyre.

[democracy id=”1″]