Mooshinka Raiisul Wasaare Kheyre oo Fashil Ku Dhaw&Xildhibaano Ka Laabanaya Mooshinka Jawaari

Reading Time: < 1 minute

Waxa fashil kusi dhawaanaya Mooshinka laga wado Gudomiye Jawaari iyado Xukuumada Kheyre ay sii yaraaneyso tirada Xildhibanada oo uu heysto.

Xildhibano badan aya la sadaalinaya in ay ka laaban donan sacadaha soo adan Mooshinka Jawaari iyado la filaayo Mooshinka in dhanka kale lo weciyo,Xildhibano ka tirsan Garabka Kheyre aya durbaba quus ka muujinaya in uu Mooshinkodu gari karo halki tiradi lo bahna.

Xildhibaan Siisii oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka kana mid ah Xildhibaanada Mooshinka ka wada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari ayaa qiray ineysan suurta gal ahayn iney helaan tirada saxda ah ee codka kalsoonida kala noqon karta Jawaari oo ah 184-cod.

Xildhibaan Siisii ayaa sheegay in Xildhibaanada hada mooshinka wada aysan ka badneyn 120-Xildhibaan,islamarkaana suurta gal ahayn in lacag lagu wada qanciyo,maadama tirada Xildhibanaada ay badaneyso.

Wuxuu sheegay in hadda abaabulka ay wadaa keliya ka doonayaan iney ku argagax geliyaan Jawaari iyo Xildhibaanada kale ee mooshinka ka wada Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya si aan loogu mashquulin mooshinka Xasan Cali Kheyre.

Xiisada Siyaasadeed ee xiligan taagan aya ah mid Xaalad jahwareer abuurtay waxa sido la shegaya in Madaxweyne Farmaajo uu kulminayo qaar ka mid ah Xildhibaanada iyado cabsi xoogan ay soo kala dhex gashay Kooxda Qiyaano Qaran.