Mooshinka kalsooni kala noqoshada MW Farmaajo ee la gudbiyay (Akhriso)

Reading Time: 2 minutes

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa goor dhow qabtay Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka oo shir albaabada u xirnaa kula qaatay Guddoomiye Mursal xarunta Villa Hargeysa ayaa u gudbiyay Mooshinka Madaxweynaha.

Mooshinkan oi ah mid xil ka qaadis ah ayaa la saaray shaabadda Xafiiska Guddoomiyaha Golaha shacabka ee galka Xafiiska, taasoo ka dhigeysa in sharci ahaan Mooshinka inuu maray habraaciisa.

Mooshinka Xilka-qaadista ayaa lagu soo bandhigay qodobo dastuuri ah oo lagu eedeeyay Farmaajo inuu jebiyay, kuwaasoo kala ah;

  1. Ku xad-gudubka mabaadii’da iyo shuruudaha Isku-celinta eedeysaniyaasha iyo dembiiliyaasha.
  2. Ku xad-gudubka Xeerka habka ciqaabta Soomaaliyeed,
  3. Ku Xad-gudubka awoodaha iyo xilka Madaxweynaha.
  4. Ku Xad-gudubka mabaadii’da Federaalka, duminta dowlad goboleedyada iyo abaabulka dagaallo sokeeye

5 – Ku xad-gudubka mabaadii’da ciidamada amniga, Xeerka ciqaabta ciidamada qalabka sida iyo go’aanada Golleyaasha Baarlamaanka.

Illaa iyo hadda lama oga tirada rasmiga ah ee Mooshinka ka geysay Madaxweynaha, hase ahaate Madaxweynaha ayaa waxaa mooshin ka keeni kara 92 Xildhibaan oo ah saddex meel hal meel.