Iyado Qaar ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ay saakay ay warbaahinta kula hadleen magaalada Muqdisho iyago shegay in ay Mooshin ka gudben Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari aya mooshinkasi waxa uu yahay mid si xogeysanaya.
Guddiga joogtadda ah ee Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa kulan deg deg ah ka yeelan doona Saacaddaha soo socdo Mooshinkii laga soo gudbiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.
Guddiga ayaa lagu wadda in ay ka hadlaan sida loo waji doono Xaaladda Mooshinka, islamarkaana loo xaqiijin lahaa tiradda Xildhibaanada Mooshinka soo gudbiyay.
Waxa ay sidoo kale ka hadli donan xilliga uu Mooshinkaasi la meelmarin doono, iyo in uu soo maray hanaanka Sharciga.
Jawaari aya lagu eedeeyey xil gudasho la’aan, Ku xad gudubka Dastuurka iyo Xeer hoosaadka Golaha Shacabka, Ku takrifal awoodeed iyo caburinta xildhibaanada iyo dhisid la’aanta Guddiyada Baarlamaanka.