Waxa caawa ka bilowday magaalada Muqdisho mooshino iska soo horjeedo iyadoo ay bilaabeen kooxda RW Kheyre in ay uruuriyaan mooshin ka dhan ah Gud. Baarlabaanka Maxamed Mursal iyagoo ballanqaaday in ay ku bixinayaan saxiixa mooshinkaas $10 kun oo dollar.
Xil. Cabdishakur Cali Mire, Xil. Xuseen Idow iyo Xil. Mustaf Dhuxulow ayaa telefon ku wacaya xildhibaanada ay is leeyihiin waa la iibsan karaa codkooda, Sida laga soo xigtay Xildhibaan Xuseen Idow isaga qadka telefonka kula hadlay mid ka mid ah xildhibaanada ay waceen in ay haystaan saxiixa dhammaan xildhibaanada ku jira wasiirada oo kaliya ay u baahan yihiin in ay helaan 45 saxiix si loo buuxiyo tirada laga rabo in ay u gudbiyaan guddoonka Baarlabaanka taasoo ah 93 xildhibaan in ay ku saxiixan yahay mooshinka.
Waxaa dhanka kale MOL loo xaqiijiyay in uu socdo mooshin ka dhan ah xukuumadda uu hoggaamiyo RW Kheyre, waxaana caawa kaliya saxiixay 112 xildhibaan, iyadoo laga rabo oo kaliya 55 xildhibaan in ay saxiixaan si loogu gudbiyo guddoonka Baarlabaanka.
Qorshaha kooxda Kheyre ayaa ah in ay mooshinka kala hor maraan si meesha uu uga baxo in uu golaha shir guddoomiyo Gud. Mursal, waxaana haddii ay dhacdo in ay helaan tirada looga baahan yahay ee 93 guddooonka fadhigiisa la wareegi doona Gud KX Cabdiwali Muudeey.
Xaaladda siyaadda ee dalka ay cirka isku sii shareertay waxaana dad odoras siyaasadda ay sheegeen in RW Kheyre iyo hogggaanka MW Farmaajo ay isku caddeeyeen in ay yihiin dad u bareeray musuq iyo dhaca hantida qaranka.