Sida ay shegayan wararka anu ka heleyno Muqdisho aya shegaya in Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ay diyaarinayan Siyaasad ay meesha kaga sarayaan Raii’sul Wasaare Xasan Cali Kheyre.
Xildhibaanadan aya si hoose kulamo ugu wada Magalada Muqdisho,waxaana Qorshaha kulankooda lagu shegaya in ay diyaarinayaan Mooshin ka dhan ah Raii’sul Wasaare Kheyre oo dhawaan Moshino uu abaabulkoda laha Prof Jawaari Xilki Gudoomiyaha Golaha Shacabka kaga tuuray.
Wararka anu heleyno aya shegaya in Xildhibaanada Mooshinka wada ay ka mid yihiin Xildhibanada difacayay Gudomiyihi is Casilay ee Jawaari.
Qaar ka mid Hotelada Muqdisho aya waxa kulamo kala duwan ugu socdan Xildhibanadan oo diidan afduubka ay Xukumada doneyso in ay ku sameyso Golaha Shacabka.
Xildhibanada aya donaya in hadii Jawaari uu meesha ka baxo,Kheyre in uusan ku si waarin Xilka Raii’sul Wasaaraha si ay u burburiyaan in Dalka uu galo afduub ay hogaaminayan Kheyre,Farmaajo iyo Fahad Yasiin.