Mooshi Ka Dhan ah Khayre Oo Baarlamaanka La hor Keeni Doono Marko Furmo

Reading Time: < 1 minute

Xogo aan helnay ayaan ku ogannay in dalka uu dhowaan ka bilaaban doono buuq siyaasadeed aan caadi ahayn, kaasi oo laga yaabo inuu saameeyo guud ahaan dalka iyo dadka.

10-ka bishan waxaa dib u furmi doona kulamada baarlamaanka dalka, sida aqalka hoose iyo kan sare, waxaana bilaaban doona wixii maalintaasi ka dambeeya jahwareer siyaasadeed.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegayaan in golaha shacabka la keeni doono mooshinno is dhinac socda, kuna kala wajahan xukuumadda, madaxweynaha, wasiirro iyo sidoo kale Imaaraadka.

Xildhibaannada golaha shacabka qaarkood oo aan la sheekeysannay waxay inoo sheegeen in markaan aanay u dulqaadan doonin dhibaatada ay dowladda ku hayso shacabka Muqdisho, tallaabo adagna ay qaadi doonaan.