MOL oo Baaris ku Ogaatay in ATMIS ay Ka Shaqeeyaan Shaqaale Curyaamiya Somaliya.

Reading Time: 2 minutes

Muqdisho Online ayaa waxay dabagal ku sameysay sida ay u shaqeeyaan  iyo wixii laga faa’iiday ciidanka  ATMIS (AMISOM) oo muddo dheer dalka joogay, una muuqda inaysan gaarin nus ka mid ah ujeedooyinkii ay dalkan u yimaadeen. 22,000 ayaa lagu sheegaa inay tiradooda tahay, laakiin 5000 oo askari wax laga filan karo  inay qaban karaan xataa ma qabtaan. Dabagalka waxaa nooga soo baxay waxyaabo badan oo la yaab leh waxaana soo bandhigi doonnaa wixii aan la kulannay iyo xogihii aan baaristeenna ku soo ogaannay.

Tani waxay sidoo kale leedahay cawaaqibka qiimeynta waxtarka ATMIS(AMISOM) sababtoo ah howlgalka ma uusan qaadan doorka hoggaamineed ee wax ka qabashada dhibaatada aasaasiga ah ee Soomaaliya oo ay ku baxday malaayiin Dollar oo haddii lagu kabi lahaa ciidankeenna maanat aan joogi lahayn meel intaan ka wanaagsan.

Ka gaabinta hawlaha loo soo diray ee dowladahooda iyo bulshada caalamka uga lacag qaataan uma qabanin si dii ay ahayd inay u qabtaan, waana sababta keentay inay weli yihiin awood beenaad, balse loo arko in baahi loo qabo weli.

Baarista hordhaca ah waxaa nooga soo baxay?

Waxaan marka hore diiradda Saarnay sida ay u shaqeeyaan hawlwadeennada maamulka inta aanan ciidanka iyo hawlgalladooda u gudbin. Waxaa jira shkhsiyaad ka tirsan maamulka ATMIS oo in badan hortaagnaa inay ATMIS(AMISOM) qabato shaqooyinka loo soo diray kuwaas oo mar waliba la imanayey marmarsiiyo iyo dib u dhigyo hawlo muhiim u ah dalkaan sida:

  1. Inay  weeciyaan dhaqaale loogu talagalay in wax looga qabto hawllo muhiim ah  ay meelo u wareejiyaan.
  2. Inay isticmaalaan awoodo aan sax ahayn oo ay ku joojinayaan hawlgallo iyo barnamijyo mira dhal ah.
  3. Inay lunsadaan lacago loogu talagalay dadkii ay dhaawaceen gawaarida sida masuuliyada darrada loo wado ee ATMIS(AMISOM).

Shakhsiyaadka fart uku godantay waxat kala yihiin nin lagu magacaabo Lamin oo ah Madaxa maaliyadda ee ATMIS, mid lagu macaabo Dube oo ah hawlwaden isagana maaliyadda ka shaqeeya, Raymond oo ah Maareeyaha qalabka iyo agabka ATMIS, Babatunde Taiwo oo ah madaxa siyaasadda ATMIS, iyo Fiona Lortan oo ku xigeenka Eraygayga Midowga Afrika (AU). Waxaa kale oo dhibka iyo curyaaminta lagu hayo dalkeenna qeyb ka ah oo ay kooxdaan hawlo iska kabiseed leeyihiin Harajit oo ku Xigeenka xafiiska Qaramada midoobay ee UNSOS.

Shakhsiyaadkaas in muddo ah waxay ka shaqeynayeen inuu dalka rahaamad ugu jiro oo uusan weligiis xor noqon. Waxaana taas kaaga marqaati ah in ATMIS (AMISOM) muddada dheer ee joogeen Dalka aysan qaadin weerarro qaabeysan oo shabaab looga saaro dalka ama lagu soo afjarayo, waxay gadaasha ka galaan soomajeestayaasha XDS oo naf iyo dhiig u hura dalkooda, waxaa kaloo mahad weyn mudan ciidamada hoose ee ATMIS(AMISOM) oo naftooda u huray Somaliya, taas oo aan laga abaal ka dhaceyn.

Hasa yeeshee,  dowladda FS waxaa laga sugayaa inay shakhsiyaadkan iyo kuwa kale oo la mid ah oo aan baaris ku wadno ay ka erido dalka. Waxaan dhowaan idiin soo bandhigi doonnaa cadeyno arrinkaan la xiriira marka ay baarista noo dhamaato , laakiin waxaa dowladda MW Xasan Sheekh ka dalbaneynaa inay arrinkaan baaraan kana qaadaan tallaabada ku haboon, waxaana jiri kara Shakhsiyaad Somali a ah oo arrinkaan ku lug leh, iyagana waan soo bandhigeynaa magacyadooda.