Golaha millatariga Suudaan iyo xoogagga bulshada rayidka ah ee dalkaas ayaa wada gaaray heshiis awood qeybsi ah oo ay ku wadaagayaan hoggaanka dalka Suudaan oo bilihii u dambeeyay ay ka dhacayeen rabshado waaweyn.
Kaddib wadahadallo muuda dheer qaatay maanta ayay dhinacyada isku haya siyaasadda Suudaan gaareen heshiis ay goobjoog ka ahaayeen masuuliyiin ka socota Midowga Afrika.
Magaalada Khartoum waxaa bilihii u dambeeyay ka dhacay dibadbaxayo ay dhigayeen dadweynaha dalkaas oo golaha millatariga ka dalbanayay in xukunka dalka ay ku wareejiyaan xukuumad rayid ah.
Millatariga ayaa tan iyo bishii Abriil markii xukunka laga tuuray madaxweynihii dalkaas Cumar Al-Bashiir ka biya diidanaa dibadbaxyada dadweynaha, sidoo kalena ka maagay in uu u hoggaansamo rabitaanka dadweynaha u hanqal taagayay in uu dalkaasi yeesho dowlad rayid ah.
Labada dhinac ee maanta heshiiska wada gaaray ayaa la rajaynayaa in ay ku dhawaaqaan dastuur lagu maamulo dalka kaas oo la filayo in isagana Jimcaha soo aaddan qalinka lagu duugo.
Heshiiskan oo ah mid taariikhi ah ayaa la rajeeynayaa inuu soo afmeero khilaafkii siyaasadeed ee hareeyay dalkaas kaddib afgambigii Al-Bashiir.