Wasiir Islaaw oo Booska ku weeynaya Amarka Fahad Yaasiin iyo Kheeyre oo Diidan!!

Reading Time: < 1 minute

Fahad yaasiin xaaji daahir oo la rumeeysan yahay in uu saameeyn xoogan ku leeyahay dowlada uu Hogaamiyo Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa waxaa uu gudbiyay fariin dacwo ah oo ka dhan ah Wasiirka Wasaaradda Amnigga Qaranka Maxamed Abuukar Ducaale (Islaaw)

Xog-hoose oo ay Heshay Muqdisho online ayaa waxaa ay tilmaameeysaa in R/wasaare Xassan Cali Kheeyre Saaxiibkiisa hada la qorsheeynaayo in xilka laga qaado maadaama uu soo go’aamiyay Laacibka kooxda Qiyaano Qaran.

Agaasimaha Madaxtooyadda ahna Milkiilaha Dowlada ahna xubin ka tirsan Dalaalinta Qatar gaar ahaan aad ugu dhaw ayaa la rumeeysan yahay in shaqsigii uu doono uu xil uga dhiibo dowlada kii uu doonana uu ka qaado,waxaana amarkiisa kaliya ku shaqeeya Madaxweyne Farmaajo.

Fahad yaasiin xaaji daahir ilaa hadda si cad looma ogaan sababta uu dacwadaan uga gudbiyay Wasiirka Wasaaradda Amnigga Qaranka Maxamed Abuukar Ducaale (Islaaw),hase;yeeshee waxaa la rumeeysan yahay in uu diiday awaamiirtiisa.

R/wasaare Xassan Cali Kheeyre oo ku dhaarta Shibanaha Wasiiradda ahna Masiibada aamusan ee Kooxdiisa ayaana aqbalin arinkaani waxaana madaxweyne Farmaajo lagusoo waramayaa in uu ku cadaadinaayo.

Waxaa aad looga naxsan yahay nidaamka Dowladnimo ee dalka kaasi oo u muuqda mid lagusii ridaato hog-dheer oo ay adkaan doonto in lagasoo celiyo