Milatariga Soomaaliya oo Xalay ilaa Maanta Qaab Qabiil ugu Dhex Dagaalamaya Gudaha Magaalada Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho aya shegaya in Dagaal uu Xalay ilaa Sakay ka dhacayay Xaafadda 77 oo ka mid ah Xaafadaha ku yaalla degmada Dayniile oo ay ku dagaaleen ciidamo kawada tirsan dowladda Soomaaliya oo gelinkii dambe ee Khamiistii ka bilowday halkaas.

Dadka deegaanka ayaa shegaya in xalay oo dhan ay gambad ka ahaayeen rasaasta ay is wiidaarsanayeen ciidmada kawada Tirsan dowladda Soomaaliya.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkaas ku dhawaad 10-ruux oo isugu jir dhinacyadii dagaalamay iyo dad rayid ah ayaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday dagaalka oo salka ku haya is-qabqabsi dhuleed oo u dhexeeya ciidanka dagaalamaya oo qaab qabiil u abaabulan balse wata hubka iyo dharka ciidanka dowladda,mana jirto wax masuuliyiin dowladeed ah oo tagay goobta dagaalku ka socdo si ay xaaladda u qaboojiyaan.

Muddo bilooyin ah waxaa si teel teel ah u socda dagaal ku saleysan muran ka dhashay dhul ku yaalla xaafadaha Haanta dheer iyo Saban-Saban degmada Dayniile kaasi oo u dhexeeya Ciidamado dowladda ka tirsan oo qaab qabiil u abaabulan iyado Dowlada Soomaaliya aysan arinkaasi waxba ka qaban maadaama ay dagaladan Ciidamada Wata shararka qabiil ay dhowr jeer halkaasi ku dagalamayn waana dagaalkii ugu cuslaa ee halkaasi ka dhaca.