Milatariga Kenya oo Burburiyay Xarun Shirkad Isgarsin oo Ku Taala Gobolka Gedo

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imanaya Gobolka Gedo aya shegaya in Ciidamada Kenya ayaa gebi ahaan Cagta mariyay Xarunta Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom ee deegaanka Dhamase kaas oo qiyaastii 60 Km u jira degmada Ceelwaaq ee Gobolkasi Gedo.

Wararka ayaa sheegay in dhismaha Shirkadda Hormuud ee deegaankaasi Dhamase ay Ciidamada Kenya qarax xoogan ku xireen ayna dhulka la simeen sida uu Warbaahinta u xaqiijiyay Col Aadan Xirsi Rufle oo ka mid ah Saraakiisha Xoogga dalka Soomaaliyeed.

“Waxaa Bur buray Isgaarsiintii dhexe ee dhamase oo xiriirineysay degmooyinka Baladxaawo iyo Ceelwaaq, sidoo kale waxa ay amar ku bixiyeen in la damiyo Xaruntii Isgaarsiinta Hormuud ee Buusaar oo xiriirineysay degmooyinka Ceelwaaq iyo Baardheere, waxaa kaloo la damiyay Isgaarsiintii Ceelcade oo isku xireysay degmooyinka Garbahaareey iyo Ceelwaaq” sidaas waxaa yiri Col Aadan Xirsi Rufle.
Col Adan Xirsi Rufle aya shegay in ay go’doonsan yihiin Malaayiin qof oo Soomaaliyeed oo ku nool Gobolka Gedo kuwaas Noloshooda ay ku tiirsaneed Isticmaalka Adeega EVC-Plus:- ka ee Shirkadda Hormuud Telecom ay bixiso waxa uu shegay in tallaabadaan ay u muuqato in lagu soo duulay Nolosha shacabka Soomaaliyeed islamarkaana Ciidamada falalkaan geysanaya aysan qeyb ka ahayn howlgalka AMISOM ayna yihiin Ciidamo ka soo kicitimay gudaha Kenya si ay u baabi’iyaan Hantida Umadda Soomaaliyeed sidaas daraadeed loo baahan yahay in dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay Jawaab ku haboon ka bixiyaan sida ugu dhaqsiyaha badan.

Horay ayey Ciidamada Kenya sidaan oo kale waxa ay u bur buriyeen Xarumo Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecomay ku leedahay deegaanada Khadiijo Xaaji, Ceelbaande iyo Dhegalaab oo dhammaan ka wada tirsan Gobolka Gedo.