Milatari Kenya aya so furtay Dhalin yaro Kenyaan ah oo tababaro ku qaadanayay Deeganka Raas kambooni xeroyin ku yaala oo ay al shabaab le yihiin sida ay baahinayan Warbaahinta Dowlada Kenya.
Hadal ka soo baxay Boliska Kenya ayaa lagu sheegay in Dhallinyaradaasi oo garayay 13 dib loogu celiyo magaallooyinka Malindi, Laamu iyo Kilifi, isla markaana ay la midoobi doonaan Qoysaskooda.
Sarkaal sare oo ka tirsan Hay’addaha Ammaanka ee Kenya oo codsaday inaan magaciisa la shaacinin ayaa u sheegay Suxufiyiinta inay Dhallinyaradaasi sheegeen inuu Tashkiiliyey Nin ay magaciisa ku sheegeen Maxamed Cali.
Ciidanka Kenya ayaa la sheegay inay in ka badan 1,100 Dhallinyaro Kenyan ah oo ku biiray Alshabaab soo badbaadiyeen tan iyo sannadkii 2011-kii soo badbaadiyeen, kuwaasi oo badankooda ahaa dadka degga Dhul-xeebeedka Kenya.