Ciidamada Itoobiya aya la shegaya in guud ahan ay isaga baxeyn Xarumahoodii ay ku lahaayen Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.
Cidanka Milatariga Itoobiya aya la sheegay in ay u dhaqaaqeyn dhanka Xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya.
Mahad Xasan Maxamed Wasiir ku xigeenka Wasaaradda amniga Galmudug ayaa sheegay in bixitaanka Ciidamadaasi aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin amniga magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulkaasi.Waxa uu tilmaamay in Ciidamada Galmudug ay la wareegi doonaan fariisamaha ay baneeyeen Ciidamada Itoobiya.
Lama oga illaa iyo hadda sababaha rasmiga ah ee ay Ciidamada dowladda Itoobiya uga baxeen magaaladaasi.