Milatariga Dowlada Kenya oo Sakay Duqeyn Ka Fuliyay Gobolka Gedo

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imaanaya degamada ceelwaaq ee gobolka Gedo aya shegaya in saakay diyaradaha milatariga kenya ay ka fuliyeen duqeeyn xaafado ka tirsan degmada ceelwaaq.
Bulashada ku sugan ceel waaq aya sheegay in ciidamada Kenya madaafiic kusoo garaaceen Shirkad Isgaarsiineed iyo guryo dad shacab ah degan yihiin.

Duqeynta kadib aya la sheegay in ay gudaha usoo galeen ciidamada kenya qeybo kamid ah Degmada Ceel Waaq ee gobolka Gedo iyadoo degmadaasi ku suganyihiin ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya.

Wali lama oga khasaaraha ka dhashay duqeyntan saakay Ciidamada Kenya ku garaaceen degmada Ceel Waaq , waxaan sidoo kale wali la ogeyn sababta ciidamada Kenya ay Ceel Waaq u duqeeyeen.