Waxaa si xowli ah ku socda wadatashiyo iyo shirar ay yeelanayaan qaar kamida wadamada taageera Soomaaliya, gaar ahaan wadamada dhaqaalaha ku bixiya arimaha amniga, mushaaraadka ciidanka iyo shaqaalaha dowlada Federaalka Soomaaliya.
Shirarkaan ayaa daba socda go’aankii ay dhawaan qaataday dowlada Mareykanka kaas oo lagu sheegay in shaqsiyaad kamida madaxda dowlada hada jirta iyo madax ka tirsan dowladihii horay dalka u soo maray lagu soo rogay xayiraad dhanka Visa dal ku galka dalka Maraykanka.
Qaar kamida wadamada ku bahoobay Ururka Midowga Yurub ayaa in mudo ah qorsheynayay in cunaqabateyn la saaro shaqsiyaadka khatarta ku ah nabadda Soomaaliya. Sida MOL loo xaqiijiyay waxaa asbuucaan la soo gabagabeyn doonaa liiska shaqsiyaadka la saari doono cunaqabataynta taas oo isugu jiri doonta mid safar iyo mid dhaqaalaba.
Mar hadii dowlada Mareykanka ay ku saarto cunaqabateyn VISA waxa ay la mid ah tahay iyada oo wadamada aduunka oo dhan ay ayguna ku saareen cunaqabatayn. Inta badan dadka la saaro xayiraadaha VISA-ha ayaa waxa gabi ahaanba iska fogeeyo Bangiyada, hay’adaha dhaqaalaha iyo shirkadaha danaha ka leh dalalka Yurub iyo Maraykanka.
Waxaan shaki ku jirin in talaabooyinka ay qaadayaan wadamada Yurub iyo Maraykanka ay siyaasadda dalka Soomaaliya ka saari doonaan shaqsiyaad in mudo ah hor taagnaa umadda Soomaaliyeed.