Midowga Yurub & USAID oo joojiyay gargaarkii Soomaaliya-xatooyo-musuq-baahsan-awgeed

Reading Time: 2 minutes

Madaxda sare ee Ururka Midowga Yurub ayaa si ku meel gaar ah u joojisay dhaqaalihii ay siin jireen Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ee Soomaaliya, labo sarkaal oo sare oo ka tirsan Midowga Yurub ayaa Isniintii u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters, ka dib markii baaritaan uu sameeyay Qaramada Midoobay lagu ogaaday xatooyo, dhac iyo boob-baahsan baahsan iyo  si xun u isticmaalka gargaarka Soomaaliya, taasoo la doonayay in lagu baajiyo macaluul ka dhacda dalka Soomaaliya.

Midowga Yurub ayaa in ka badan $7 milyan oo doollar oo gargaar ah siiyeen hawlaha WFP ee Soomaaliya sannadkii hore, taas oo qayb ka ah in ka badan $1 bilyan oo ay heshay deeqaha guud, sida lagu sheegay xogta Qaramada Midoobay.

Wadamada xubnaha ka ah Midowga Yurub waxay siiyeen lacag aad u badan oo ku saleysan laba geesood. Ilaa hadda ma cadda in cid waliba ay joojinayso gargaarka iyo in kale, lakiin waxaa ay dhamaan isku raaceen in Gargaarkii Soomaaliya la lunsaday iyada oo gargaarkaasi ay maamushay hay’adda ka-hortaga masiibooyinka ee dowlada federaalka taas oo loo xilsaaray maamulka iyo qeybinta raashinka iyo gargaarka loogu talagalay dadka dhibaateysan.

Balazs Ujvari, oo ah afhayeenka Komishanka Midowga Yurub, ma xaqiijin mana beenin gaar ahaan joojinta gagaarka Soomaaliya laakiin wuxuu yiri: “Ilaa hadda, Midowga Yurub lama ogaysiin la-hawlgalayaasheeda Qaramada Midoobay saamaynta dhaqaale ee mashaariicda uu maalgeliyo Midowga Yurub, si kastaba ha ahaatee, waxaanu sii wadi doonaa la socodka xaalada, waxaanu u hogaansami doonaa habkayaga dulqaad la’aanta ah ee ku wajahan wax isdaba marinta, musuqmaasuqa ama anshax-xumada,”

Hay’adda WFP  oo si toosa deeqda ugu wareejisay hay’adda ka hortaga Masiibooyinka ee Dowlada Federaalka Soomaaliya oo iyadu maamusha cuntada, isla markiiba kama aysan jawaabin codsiyada faallooyinka.

Mid ka mid ah saraakiisha sare ee Midowga Yurub ayaa sheegay in go’aanka la qaatay kadib markii baaritaankii Qaramada Midoobay lagu soo gabagabeeyay in mulkiilayaasha dhulka, maamulka deegaanka, xubno ka tirsan ciidamada ammaanka iyo shaqaalaha samafalka ay dhamaantood ku lug lahaayeen xatooyada gargaarka loogu talagalay dadka nugul.

Sarkaalkan oo diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa sheegay in gargaarka dib loo soo celin doono marka ay WFP buuxiso shuruudo dheeri ah oo ay ka mid yihiin turxaan bixinta la-hawlgalayaasha ku sugan gudaha Soomaaliya. Sarkaalka labaad ee sare ee Midowga Yurub ayaa sidaas xaqiijiyay.

Ilaha saddexaad, sidoo kale sarkaal ka tirsan Midowga Yurub, ayaa sheegay in Guddigu “si firfircoon ula shaqeynayo WFP si loo xalliyo cilladaha nidaamka” laakiin wuxuu sheegay in aan wax gargaar ah la joojin heerkan.

Warbixinta 7-dii Luulyo, oo lagu calaamadeeyay “si adag,” waxaa wakiishay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, sida lagu sheegay nuqul ay dib u eegtay wakaalada wararka Reuters. Nuxurka warbixinta waxaa markii ugu horeysay daabacay Isniintii Devex, oo ah xarun warbaahineed oo diiradda saareysa horumarinta caalamiga ah.

Waxay soo xigatay barakacayaasha (IDPs) inay sheegeen in lagu khasbay inay bixiyaan ilaa kala bar kaalmadii lacagta caddaanka ahayd ee ay heleen dadka xilalka haya iyadoo loo hanjabayo in laga saarayo, la xirayo ama laga saarayo diiwaan-gelinta liisaska ka-faa’iideystayaasha.

Saddex bilood ka hor WFP iyo Hay’adda Maraykanka u qaabilsan Horumarinta Caalamiga ah (USAID) waxay hakiyeen cuntadii gargaar ee ay siin jireen dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya si ay uga jawaabaan deeqaha baahsan ee la leexsado.

Xafiiska Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya oo isku xira howlaha gargaarka bini’aadantinimo ee dowladda Federalak oo uu hogaamniyo ninka lagu magacaabo Maxamuud Macalin  ayaa  dusha laga saaray dhaca iyo lunsadashada deeqda lagu deeqay Dadka dhibaateeysan,

Xafiiska ha’ayadda Maareynta ayaa dhankeeda war ay soo saaray  ku sheegay in madaxda Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay baaritaan ku sameeyaan natiijada warbixinta Qaramada Midoobay, isagoo dhanka kale xusay in hababka gargaarka ee hadda jira ay u shaqeeyaan si ka baxsan waddooyinka dowladda.