RW Jamhuuriyadda ayaa kulamo horraantii sannadkaan la yeeshay Danjiraha Midowga Yurub u qaabisan, Ms. Tina Intelmann, kaas oo uu u jeediyay danjiraha Midowga Yurub in mashaariicda horumarineed ee ay ka taageeraan Soomaaliya lagu saleeyo arrimaha mudnaanta u leh dowladda xilligaan.
Taasina waxay maanta keentay inay hadalkiisa loo qaatay sidii uu u soo jeediyey, kadibna Midowga Yurub (EU) ayaa ansixiyay lacag dhan 20.5 milyan oo Yuuro, taas oo taageero miisaaniyadeed ah oo la siinayo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya (FGS), iyadoo hoos imanaysa heshiiska dowladda Somaliya iyo adkaysiga ee EU-da iyo taageerada wax-ka-qabashada deyn bixinta (SRBC). Arrintani waxay kusoo beegmaysaa iyadoo DFS iyo Midowga Yurub ay billaabeen Qorshe Hawleed Wadajir ah oo ku aaddan dib-u-heshiisiinta Midowga Yurub iyo Soomaaliya, kaasoo qeexaya mudnaanta wadajirka ah ee labada sano ee soo socota.
Bixinta lacagtan, Midowga Yurub wuxuu ku taageerayaa DFS si ay u fuliso qorshaheeda horumarinta iyo xasilinta qaranka ayna ku sii socoto wadadii ay ku socon lahayd geeddi-socodka Waddamada Faqiirka ah ee deymaha badan leh (HIPC).
Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Marwo Tiina Intelmann, ayaa tiri: “Iyadoo la eegayo heerka HIPC ee dhameystirka, Soomaaliya waxay dhawaan gaari doontaa guul taariikhi ah, taasoo keeni doonta fursado cusub laakiin sidoo kale caqabado. Kordhinta abaabulka kheyraadka gudaha iyo sii wanaajinta maamulka maaliyadda ayaa gabi ahaanba muhiim u ah horumarinta ajendaha dib u habeynta dhaqaalaha iyo sii wadidda dhismaha dowladnimada Soomaaliya. Midowga Yurub wuxuu rajeynayaa inuu sii wado taageerada iyo wada shaqeyn dhow oo uu la yeesho Soomaaliya si wax looga qabto caqabadahan si loo xaqiijiyo in adeegyo badan oo wanaagsan la gaarsiiyo muwaadiniinta Soomaaliyeed.”
Dr. Cilmi Maxamuud Nuur Wasiirka Maaliyadda XFS, ayaa yiri: “Taageerada Miisaaniyadda Midowga Yurub waa il aad u qiimo badan oo kaalmo ah si loo xaqiijiyo in dowladeenu ay xoojiso dib u habeynta socota iyo gaarsiinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada”.
Isku soo wada duuboo, marka loo eego SRBC, lacag dhan 82.9 milyan oo Yuuro ayaa la sii daayay tan iyo 2018 taasoo ah taageerada miisaaniyada ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya (DFS). Hawlgalka taageerada miisaaniyada Midowga Yurub ayaa ka caawiyay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si ay u xaqiijiso gaarsiinta hawlaha asaasiga ah ee dawladda Somaliya, iyo in la xoojiyo tallaabooyinka xasilinta dhaqaalaha guud iyo, bilawga Covid-19 iyo dhibaatooyinka kale ee is-daba-joogga ah, ka hortagga xaalad xun oo dhaqaale iyo bulsho ah.
Haddaba kooxdii CBB uu Been Baafiye Geylan Media horseedka u ahaa ee aan fahmin in dowladda Somaliya soo gaartay meel ay arrimaheeda iyada sheegan karto sidoodana loo qaadanayo, manta ha arkeen in beentooda laga dabatagayo oo uu waqtiga caddaalad yahay.
Dhinaca kale, dadkii lahaa RW Xamsa Shaqo ma qabto maanta ha u caddaato inuu yahay halyey qaran oo faan iyo buunbuunin saxaafadda la hortaageyn sidii loo bartay balsa ku mashquula hawlaha qaranka.
Madaxweynaha Xasan Sheekh iyo R/Wasaare Xamsa waxay na tusiyeen inaysan kala jeclayn cid caayda iyo cid been ka fidisaa mar haddii ay hawlaha qaranka oo ay masuuliyadda u qaadeen ay si fiican u fulayaan.
Xataa dhaliilaha laga been abuuraa maaha kuwa hawsha wajahan iyo fashil hawleed, waa imid shakhsiyadeed oo rabbi looga fogaanayo, waayo dadku indho iyo dhego ayey leeyihiin waana u jeedaan in aan la joogin meeshii la joogay 15-kii May 2022.
Sidoo kale Xafiiska RW oo arrinkaan garwadeen ka ahaa ayaa waxaa uu maantaa soo saaray twitter hambalyo ah oo ku sheegay inay u siticmaali doonaan lacagta sida ugu wanaagsan ee ay baahida Somalida tahay, kadib markii uu ku dagaallamay RW Xamsa inayan hay’adaha caalamiga ah ku jiheyn kaalmada ay bixiyaan meeshey iyagu rabaan.
Waana guul weyn inaan loo yeeri Karin dowladda hadda jirtaa wixii la doono ee tallaabo walba laga ambaqaadayo sida ay ku jirto danta daalka iyo dadka Somaliyeed.