Midowga Yurub oo fartiintii ugu danbeeysay gaarsiisay Kheyre iyo Farmaajo? (warbixin)

Waxaa shalay magaalada Muqadishu booqosho ku tagay Wakiilka gaarka  ah ee Midowga Yurub u qaabilsan arimaha Gees Africa Alex Rondos iyo Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Mudane Nicolás Berlanga Martinez.

Kulanka ay labada mas’uul la yeesheen Farmaajo iyo Kheyre ayaa daba socday balanqaadyo ay dowlada fedaraalka horay u balan qaaday  oo la xiriiray taabagalinta heshiiskii Brussels iyo London kuwaas  oo aan waxba ka fulin.

Doorashadii bishii hore dagayaqadeedii ka dhacday qaarada Yurub ayaa waxa ay  keentay in madax cusub oo fakar cusub leh la soo doortay taas oo qasbeysa in dib loogu laabto taageerada dowadlada Fedraalka la siiyo, gaar ahaan taageerida ciidanka AMISOM hadii aan isbadal deg deg ah ku imaan qaabka doowlada u fulinayso howlihii loo igmaday.

Farmaajo ayaa dhankiisa sheegay in dowlada ay hayso dhaqaale xumi aad u baahsan taas oo keeni doonta in dalka uu ka dhaco kacdoon shacab oo dhan walba ah. Midowga Yurub ayaa ku adakeysay in isbadal yimaado isla markaana ay dowlada soo bandhigto wax la taaban karo inta ayan dhamaan bisha Juulaay ee sanadkan hadii kale ay keeni doonto in la jaro dhamaan dhaqaala la siiiyo dowlada.

Dhanka kale waxaa loo sheegay Farmaajo iyo Kheyre in ayan marnaba macquul ahaynin in dowlada Fedaraalka ay taabagaliso  howlaha horyaalo sida doorashooyinka, amniga, dastuurka iyo qaybsiga qeyraadka dalka  ilamaa ay uu la heshiiyo dowlad goboleedyadda.  Waxa lagu yiri “.. ma aha in aan ka hadalno yaa qaldan iyo yaa saxan xiligaan kala guurka ah, adiga ayaa laguu doortay in aad dalka isku hayso, waa in aad sameysaa wax kastaa oo ay kuugu qaadanayso in aad ku guulaysato in aad la heshiisyo dowlad goboleedyada”.

Madaxda dowlada goboleedyda ayaa la filayaa in ay kulamo kala duwan la yeeshaan beesha caalamka maalmaha soo socda, gaar ahaan Midowga Yurub.

Advertisements