Warar ay heshay MOL ayaa sheegaya in waan-waantii laga dhex-waday Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo golaha midowga musharaxiinta mucaaradka ayaa la sheegay in xalay is-faham hor udhac ah laga gaaray.
Ilo wareedyo ka agdhow xubnaha Ergada waan-waanta ka dhex wada Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Mucaaradka ayaa KNN u sheegay in dhinacyada ay ku heshiiyeen inay maanta oo khamiis ah kulan ay ku yeeshaan Hotelka Decale eek u yaalla nawaaxiga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in kulanka maanta dhacaya ay ka qeyb gali doonaan R/Wasaare Rooble, Midowga Musharaxiinta, , iyo Madaxweyneyaasha Maamulada Hirshabelle iyo Galmudug.
Qodobadan ay Midowga musharaxiintu mucaaradka ah ku xireen la kulanka madaxda ayaa waxaa ka mid ah:-
1- In la cambaareeyo, raalli gelin laga bixiyo wixii dhacay 19 Febraayo.
2- In bannaan baxa la ogolaado.
3- In shirarka wadatashiga qaran laga qeyb geliyo Murashaxiinta
Xogta ayaa sheegaysa in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu aqbalay labada qodob ee hore, hayeeshee qodobka saddexaad ee ka qeyb-galka shirarka ayuu sheegay inuu yahay mid ku xiran madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, islamarkaana arrintaasi aysan gacantiisa ku jirin.
Dadaaladan ka socda magaalada Muqdisho ayaa u muuqata mid lagu dejinayo xiisada siyaasadeed ee ka taagan magaalada, maadaama shacabka Soomaaliyeed ay walaac xoogan ka muujiyeen in gacan ka hadal uu dhex mari karo dhinacyada isku hayo siyaasada Soomaaliya.
Talaabadan ayaa ka dambeeyay kadib markii Midowga Musharaxiinta mucaaradka ah ay markale ku baaqeen isu soo bax ballaaran oo looga soo horjeedo dowlada federalka iyadoo ku baaqday in dadku ay isugu yimaadaan fagaaraha Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho, hayeeshee waxaa iyana sidoo kale arrintan ka hadlay Wasiirka Amniga Soomaaliya, waxaa uuna sheegay in la mamnuucay nooc kasta oo dibadbax mid dowladda lagu taageersan yahay in mid kale oo looga soo horjeedo, iyadoo arrintan loo sababaynayo xanuunka Covid 19 oo ku faafaya dalka iyo amniga Caasimada ee Muqdisho.
Beesha Caalamka ayaa marar badan sheegtay in xal u helidda xiisada ka taagan siyaasadda Soomaaliya ay ku jirto dhameystirka heshiiskii ay madaxda dalka gaareen 17-kii September 2020 ee lagu faahfaahiyay hannaanka doorashada.
Muran iyo isjeed jeed xoogan ayaa weli ka taagan xal ka gaarinta khilaafka ka taagan arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, maadaama maamulada Puntland iyo Jubbaland ay shuruudo ku xireen ka qeyb galka shir uu iclaamiyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo