Midowga Musharaxiinta oo u muuqada kuwa kala qeybsamay & qaar u galay Fahad

Reading Time: < 1 minute

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa ku kala qeybsamay shirkii xalay ka dhacay Mudqisho oo lagu taageerayo Ra’iisul Wasaare Rooble, loogana soo horjeedo isku daygii afgambi ee lagu doonayay in Xafiiskiisa lagula wareego.

Munaasabadii xalay  ka dhacday Hotel Afrik ayaa waxaa ka soo qeyb galay xubno ka tirsan Midowga Musharaxiinta oo ay ka mid yihiin Madaxweynihii hore Xasan Sheekh, C/raxmaan C/shakuur iyo C/kariin Guuleed.

Waxaa shirkaas ka maqnaa oo aan soo xaadirin Madaxweynihii hore ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo xubno kale. Kheyre iyo Shiikh Sharif oo rajo kaga jirtaa in Fahad Yasin  uuka dhiganayo Qorashaha labaad mar hadii Farmaajo Fashilmo.

Labaadaan nin (Kheyre iyo Sh. Sharif) oo aan lahayn mamda  ama aragti siyaasadeed ayaa loo adeegsaday in lagu kala jabiyo Midiwga Musharaxiinta.