Kulan xalay ka dhacay guriga Ra’iisal Wasaare Rooble oo dhexmaray Rooble iyo Midowga Musharaxiinta, ayaa Rooble u sheegay Midowga Musharaxiinta in dhamaan dowlad Goboleedyadu ay diideen in Midowga Musharaxiinta ay qayb ka noqdaan kulankaas.
“Walalayaal aniga waa rabaa in ay i dhinac fadhidaan oo shirka aad ila joogtaan laaiij ragii kale ayaa diideen, hadii aan ku adkeysta in aad idinka timaadaana shirka ayaa fashilmaya… marka iska dulqaata, aniga ayaa wakiil idinka ah”, sidaas waxaa yiri Rooble oo la halayay wakiilada Midowga Musharaxiinta.
Si wax looga badalo habraaca doorashada loona turxaan bixiyo doorashada waxa ay ahayd in dhamaan Saamilayda siyaasadda dalka qayb ka noqdaan shirkaas. Hadii kale shirkaas waxa uu noqonayaa shir lagu xalaaleeysto boobka doorashada ka socota dowlad gobaleedyada.
Nasiib xumo Midowga Musharaxiinta oo iyagu kala qaybsan ayaa meel cidla ahna ku soo dhacay Iyagu ma soo saaranayaan Xildhibaano, lacag ma haystaan, go’aan kuma laha geedi socodka doorashada? Natiijada ka soo baxaysa doorashada ma aha mid iyaga fa’iido ugu jirto?