Midowga Musharaxiinta oo isku Khilaafay eedeeynta loo jeedayay R/W Rooble

Reading Time: < 1 minute

Iyada oo maalinba maalinta ka soo danbaysa ay sii kala furfurmayaan Musharaxiinta ku Midowga Musharaxiinta ayaa waxa hadana ay isku qabaadeen qoraal ku soo baxay magaca kaas Golaha Midowga Musharaxiinta lagu eedeysay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble inuu ka leexday dhex-dhexaadnimadii, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Warqaddaas ayaa lagu yiri “Goluhu wuxuu aad uga walaacsan yahay in ra’iisul wasaare uu u muuqdo inuu hoggaansamay cadaadis dibedda ah, taasi oo ku hoggaamisay inuu ka leexdo mowqifkii dhex-dhexaadnimo.”

Wuxuu qoraalka intaas ku daray “Goluhu wuxuu ra’iisul wasaare Rooble ku boorinayaa inuu muujiyo dhex-dhexaadnimo, islamarkaana joojiyo safarrada dibedda ah ee aan lagama maarmaanka aheyn, ahna waqti lumiska, deg degna u billaabay shaqo ku wajahan hanaan doorasho oo daah-furan ayna isku raaci karaan, wadana aqbali karaan shacabka Soomaaliya.”

Warqadda ayaa waxaa barahooda bulshada ku baahiyey qaar kamida Musharaxiinta halka kuwa kala ay ka amuseen.

Waxaa qoraalkaan si buuxda uga soo horjeestay

Cabdiraxman Cabdishakur iyada oo afhayeenkiss Shadoor Xaaji uu qoraal u soo dhigay facebook ku sheegay inaan warqadda loo dhameyn.

“Qof ayaa inuu warqad iska soo qorto isagoo magaca Midowga Musharaxiinta ku hadlaya eedeeyn aan loo meel-dayin iska soo ridaya. Ra’iisul Wasaare Rooble waa in waqti la siiyaa laguna kalsoonaadaa. Waxaan uga mahad-celinayaa Midowga Musharaxiinta sida habsamida leh ay ugu heelan yihiin garab-siinta Ra’iisul Wasaaraha,” ayuu yiri Shadoor.