Midowga Musharaxiinta oo Farmaajo ku eedeeyay faragelinta Doorashooyinka

Reading Time: < 1 minute

Midowga Musharaxiinta oo galabta illaa caawa shir uga socday Hotelka Jazeera ayaa ka soo saaray war saxaafadeed ay uga hadlayaan xaalada doorashada iyo caqabado ay sheegeen in haddii aan xal degdeg ah loo helin inay dib u dhac ku keeni karto habsami u socodka doorasho hufan oo loo dhan yahay.

Sidoo kale Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay inay ka welwelsan yihiin faragelin uu ku haayo habsami u socodka doorashada Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo.