Midowga Murashaxiinta oo baaq ka soo saaray shir saddex maalmood Muqdisho uga socday

Reading Time: < 1 minute
Kulan muddo saddex maalmood ah uga socday magaalada Muqdisho oo diiradda lagu saarna guud ahaan xaaladda dalka, gaar ahaan Doorashooyinka ayaa Midowga Murashaxiinta waxaa aay goor dhow ka soo saareen baaq iyagoo sheegay in aay farriin u direen RW Rooble.
Midowga Murashaxiinta ayaa ka cabaanaya hufnaan la’aanta ka muuqata sida loo maareeyay soo xulidda xubnaha Aqalka Sare, walow aay intooda badan u hambalyeeyeen xildhibaanada la soo doortay ee aqalka sare.
Midowga ayaa sheegay “Waxa aan ugu baaqeynaa Raysal-Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxda dawlad-goboleedyada in si hufan loo hirgeliyo doorashooyinka Aqalka Hoose (Golaha Shacabka).
Waxa aan rajo wayn ka qabnaa in mas’uuliyiinta arimaha doorashooyinka ay si xil-kasnimo leh u sixi doonaan cabashooyinka doorashooyinka”
Midowga Murashaxiinta ayaa sidoo kale ku baaqay in odayaasha 135 aay soo xulaan ergada iyagoo kaashanaya ururada bulshada iyo haweenka ayaa lagu yiri baaqa aay soo saareen.
Halka Hoose ka akhirso baaqa ka soo baxay Midowga Murashaxiinta
Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!